Somaliland oo sheegtay ‘cidda kaliya ee awood u leh’ joojinta dagaalka Laascaanood

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay sheegtay in dagaalka Laascaanood ee socda muddo ka badan afarta bilood ay joojintiisa awood u leedahay, iyada oo kali ah.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xalay hadal ka jeediyay xaflad casho ah oo lagu qabtay madaxtooyada oo lagu xusayay 18-ka May, ayaa sheegay in Somaliland oo kali ahi ay awood u leedahay joojinta dagaalkaas.

Mudane Biixi ayaa waxa uu ku eedeeyay xooggaga kasoo horjeeda Somaliland ee SSC ay naf iyo maalba u bixiyeen sidii aanay u qabsoomi laheyn xuska 18 May, oo si weyn looga dabaal-degay fagaaraha caasimadda.

“Dagaalka Laascaanood ninkii bilaabay furihii uu albaabka dagaalka ku furay ayuu hayay, lakiin ma hayo furihii dagaalka lagu xidhi lahaa, kaasi gacanta Somaliland ayuu ku jiraa,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Ciidankeenu saddexdii cisho ee ugu danbeeyay difaac iyo dagaal ayuu ku jiray, saaka inta Somaliland neceb, oo todobbadkan dambe aan wax kaleba qabane lahaa 18 May la mari maayo, waxay u hureen intaasi oo dhaawaca iyo intaaso dhimasho ah in aanay qabsoomin 18-ka May, waa qoon-gaab.”

Hadalkan ayaa imanaya, iyada oo shalay uu madaxweyne Muuse Biixi uu munaasabadda xuska 18-ka May ee fagaaraha Hargeysa ka sheegay in uusan dagaalka istaageyn illaa inta taako kamid ah Somaliland uu cadow ku sugan yahay.

“Waa difaaceynaa oo dagaalku joogsan maayo, inta taako kamid ah xadka Somaliland uu cadow Soomaaliyeed uu ku jiro abka uu doono ha sheegtee,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi oo ku hanjabay in dagaalka uusan joogsan doonin.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uusan dheel-dheel ka ahayn dagaalkan, islamarkaana ay xoreyn doono dhulka Somaliland, “Ragga dheel-dheelayow dagaalku wuu soconayaa inta uu doono ha qaato, dhiigga ragga ha daato, dalkana waa xoreyneynaa.”

Si kastaba, arrimahaan ayaa uga sii daraya colaadda Laascaanood oo qaadatay dhowr billood oo xiriir ah, waxaana sidoo kale fashilmay isku dayo la doonayay in la’isugu keeno labada dhinac, oo iyagu si weyn usii kala fogaaday.