Somaliland oo sheegtay inay qabatay sirdoon la shaqeyn jiray Fahad Yasin + Sawirro

Hargeysa (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee loo yaqaano NIA ayaa shaacisay in ay gacanta ku dhigtay rag kamid ah sirdoonka Soomaaliya.

Raggan oo laba ah ayey hay’adda Sirdoonka Somaliland waxay sheegtay inay la shaqeyn jireen Agaasimihii hore ee hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin.

Waxay sheegtay in labadan nin ee sida ay sheegtay ka tirsanaa xubnihii hoostagi jiray Fahad Yaasiin ay gudaha Somaliland ka fuliyeen falal lidi ku ah jiritaankeeda, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay NIA.

Labada nin ayaa sida ay hay’adda shaacisay waxaa lagu kala magacaaba Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye iyo Sahal Axmed Cabdullaahi. Sidoo kale waxay soo bandhigtay sawiradooda.

“Hay’adda ugu saraysa amniga SL NIA ayaa gacanta ku dhigtey Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye, iyo Sahal Axmed Cabdilaahi, oo labaduba kamid ah sirdoonka Soomaaliya, gaara ahaana shaqsiyaadkii la shaqeyn jiray Fahad Yaasiin, kuwaas oo SL ka fuliyay falal lidi ku ah jiritaankeeda,” ayuu u dhigna qoraalka kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.

Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye oo haysta shahadaada PhD, ayaa horay u soo noqoday Wasiiru dowlaha Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda ee Puntland.

Cabdiraxmaan ayaa ah nin ku takhasusuay cilmiga noolaha badda iyo dhammaan kuluumeysiga.

NIA ma shaacin nooca howl-gal ee Somaliland ka fuliyeen raggan ay sheegtay inay ka tirsanaayeen Sirdoonka Soomaaliya, keliyana waxay ku soo koobtay “falal lidi ku ah jiritaankeeda”.

Sirdoonka Somaliland ayaa tan iyo markii uu dhawaan madaxweyne Muuse Biixi u magacaabay hoggaan cusub, waxay warbaahinta la wadaageysay howl-gallada ay fuliso, iyada oo dhawaan baahisay shaqsiyaad ay sheegtay inay xiriir la leeyihiin ururro argagixiso ah.

“Hay’adda sirdoonka Somaliland (NIA) ayaa magaalada Hargaysa ku qabtey koox ka kooban toban nin oo looga shakisan yahay inay xidhiidh la leeyihiin ururo argagixiso, raggan ayaa asal ahaan ka soo jeeda dalalka Suuriya, Pakistaan, iyo Marooko, waxayna dhammaantood haystaan dhalashada dalka Marooko” ayaa lagu yiri qoraal markaasi kasoo baxay Sirdoonka Somaliland.