Somaliland oo si adag uga hor timid guulo uu SACIID Deni ka sheegtay dagaalka

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxay si adag uga hortimid guulo uu madaxweynaha Puntland ka hor sheegay xildhibaanada golaha wakiilada.

Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamtay guulihii uu Deni ka sheegtay dagaalka kala dhaxeeya, isla markaan uu ku shaaciyay in 99% ay gacanta ku hayaan deegaanada gobolka Sanaag barri.

Cabdirisaaq Cali Cabdi ‘Saalax’, Wasiirka cadaalada Somaliland ayaa hadalkaasi ku sheegay mid uu Madaxweynaha Puntland uu iskaga maslaxayey xildhibaanada golaha wakiilada maamulkiisa, oo uu sheegay in xil ka xayuubin ku sameyn rabeen.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay inaysan jirin wasaarad qudha oo ka howl-gasha deeganada uu Madaxweyne Deni sheegay inay ka howl-galaan dhamaan wasaaradaha maamulka Puntland.

“Nin Oday ah oo Xildhibaannadiisii maamuus ka xayuubin saarayaan oo raba inuu isaga fur-furo ayaan Anigu u arkay (hadalka madaxweyne Deni)” ayuu yiri Wasiirka cadaalada Somaliland.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Waynu iska wada war qabnaaye gobolka Sanaag meel ka mid ah oo Maamulka Puntland xafiis ku leeyahay ma jirto”.

Madaxweynaha Puntland, ayaa maanta mar uu hortagay golaha wakiilada Puntland ayaa waxa uu sheegay in markii uu xilka la wareegay inta u badan deegaanada bariga gobolka Sanaag iyo Buuhoodle uu 99% kala soo wareegay Somaliland, isla markaana wasaaradaha maamulkiisu ay ka howl-galaan gudaha Buuhoodle.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa