Xog: Kacdoon ka dhan ah madaxweyne Saciid Deni oo laga abaabulay Muqdisho

Garowe (Caasimada Online) – Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay oo aan ku sugan madaxtooyada Soomaaliya iyo midda Garoowe ee Puntland ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ay magaalada Muqdisho ka abaabuleen kacdoon ka dhan ah madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulkaasi, siyaasiin, ganacsato iyo odayaal dhaqan oo dhamaantood ka soo jeeda goballada Mudug iyo Bari ee Puntland ay magaalada Muqdisho kula kulmeen masuuliyiin ka tirsan Villa Somalia.

Masuuliyiintaan ayaa lagala hadlay arrimo quseeya xaaladda Puntland iyo sidii loo mucaaradi lahaa madaxweynaha talada haaya ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ay Villa Somalia sheegtay in uu la shaqeyn waayay dowladda.

Sidoo kale masuuliyiintaan ayaa noo sheegay xubnaha la kulmay saraakiisha Villa Somalia ee dowladda dhexe ay xubnaha Puntland kala hadleen in kacdoonka lagu saleeyo tabashada shacabka Puntland, waxaana loo balan qaaday xilal iyo lacago.

Waxyaabaha doorka ay saareen oo ka jira degaanada Puntland waxaa kamid ah lacag maamulka Puntland is hortaagay taas oo ka timid Xukuumadda Soomaaliya kuna socotay dhismaha wado muhiim ah oo Puntland ku taala, heshiiyo lala galay Imaaraadka iyo in maamulkiisa lagu eedeyo waxqabad la’aan.

Masuuliyiinta ka socda Puntland ee yimid Muqdisho lana kulmay madaxda Villa Somalia waxaa kamid ah Xildhibaan Cawil Daad oo shalay su’aal adag weydiiyay Madaxweyne Deni, odayaal dhaqan iyo ganacsato reer Puntland ah kuwaas oo dhamaantood ka soo jeeda Mudug iyo Bari oo ah 2-da gobal ee maanta diidan hogaanka Puntland.

Saciid Deni ayaa la sheegay inuu aad ugu dhow yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyo maxdaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo labadaba aysan isku wanaagsaneyn Villa Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com