DF oo awoodda ka qaaday guddigii ay u magacowday maamul dhisidda Galmudug

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga farsamada maamul dhisidda Galmudug ayna soo magacowday Dowladda Soomaaliya ayaa doortay Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeenka, waxaana loo diiday in ay iska dhex doortaan xoghayaha Guddiga, diidmadan ayaa ka timid dhanka Wasaarada arrimaha Gudaha.

Seddex qof oo kamid ah Guddiga ayaa muujiyay in ay shaqadooda u madaxbanaan yihiin laga soo bilaabo markii la magacaabay, balse Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Cabdi Maxamed Sabri ayaa ku qanciyay guddiga in aysan u madaxbaaneyn, islamarkaana xogheynta Guddigu uu noqon doono Yaxye Cali Hareeri oo ka socda dhanka wasaarada, sidoo kalena qaraabo dhaw la ah Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre.

Xubnaha Guddiga oo markii horaba badankood ahaa dhalinyaro taageersan siyaasada madaxda dowladda ayaa u muuqda guddi aan awood u laheyn in uu soo dhiso maamul loo dhanyahay oo la marsiiyo sifo sharci.

Inta badan Murashixiinta iyo saamileeyda siyaasada Galmudug ayaa horay uga horyimid xubnaha guddigan, dhanka Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa iyana sameeystay Guddi kale oo doorasho, kadib markii ay sheegeen in dowladdu uga baxday hwshiis-yadii hore.

Magaalada Dhuusomareeb ayaa xiligaan waxaa ka socda dhiilo colaadeed iyo doorasho garab u raran.  Dhismaha Maamulka Galmudug ee xiligaan ayaa tusaale u ah damaca iyo nuuca doorasho ee ay sameeyn doonaan madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre marka lagaaro doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021.

Warqadii lagu magacabay guddigan ayaa lagu cadeeyay xogheynta Guddiga. Hoos ka arag