28.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Somaliland oo si kulul u beenisay arrin uu shaaca ka qaaday wasiir Cali Balcad

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) — Xukuumadda Somaliland ayaa si kulul u beenisay sheegasho kasoo yeertay wasiir ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taas oo ku saabsanayd in labada dhinac uu ka dhexeeyo “xiriir toos ah.”

Hargeysa ayaa hadalkaas ku tilmaamtay mid marin-habaabin ah oo xaqiiqada ka fog, xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay rabshado dhiig ku daatay oo ka dhacay gobolka Awdal. 

Jawaabtan kulul ayaa timid kadib markii Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), uu isagoo ku sugan madasha Doha Forum u sheegay warbaahinta in Muqdisho ay “si dhow ula shaqeynayso” maamulka Hargeysa, isla markaana ay furan yihiin kanaallo lagu wada xiriiro, si xal looga gaaro madmadowga jira.

Hase yeeshee, war-saxaafadeed xilligii dambe ee Axadda maanta kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Somaliland ayaa lagu yiri: “Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa inaanay jirin wax wada-hadallo ah oo hadda u socda iyaga iyo Soomaaliya.”

Bayaanka ayaa intaas ku daray, “Xukuumaddu waxay si rasmi ah u hakisay wada-hadalladii horraantii sanadkan, kadib markii Soomaaliya ay kula kacday faragelin qaawan arrimaha gudaha ee Somaliland,” iyadoo ku eedeysay mas’uuliyiinta Soomaaliya inay warbaahinta caalamka u gudbinayaan “bayaanno marin-habaabin ah.”

Xiisaddan diblomaasiyadeed ayaa kusoo aadaysa xilli xasaasi ah oo ay rabshado dad ku dhinteen ka dhaceen gobolka galbeedka ku yaalla ee Awdal.

Ugu yaraan 30 qof ayaa ku dhintay, in ka badan 150 kalena way ku dhaawacmeen magaalada Boorama, kadib markii dibad-baxyo rabshado wata ay ka dhasheen munaasabadda Xeer Ciise ee Somaliland ay fasaxday, inkasta oo markii dambe ay ka laabatay.

Hargeysa ayaa farta ku fiiqday Dowladda Federaalka iyadoo ku eedeysay inay iyadu hurineyso colaadda. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa bayaankeeda ku cambaareysay waxa ay ugu yeertay “tallaabooyin isku dubbaridan” oo ay Soomaaliya ku doonayso inay ku abuurto “khalqal iyo xasillooni-darro” ka dhacda gobolka.

Xiriirka u dhexeeya Muqdisho iyo Hargeysa ayaa galay xaalad “aad u kaxdan” ah tan iyo 1-dii bishii Janaayo, markii Somaliland ay heshiis is-afgarad (MoU) la saxiixatay dalka Itoobiya.

Heshiiskaas, oo ay Muqdisho ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah qarannimadeeda, ayaa dhigaya in Itoobiya oo aan bad lahayn ay hesho marin-badeed ay ka samaysato saldhig ciidan iyo deked ganacsi. Beddelkeeda, Somaliland ayaa sheegtay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada madax-bannaanideeda.

Intii uu ku sugnaa magaalada Doha, Wasiiru Dowle Cali Balcad ayaa ku celiyay mawqifka Soomaaliya ee ah in Somaliland ay tahay qeyb kamid ah dhulka jamhuuriyadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda istiraatiijiyadeed ee xeebtaas oo uu ku tilmaamay “albaabka” Badda Cas.

Wada-hadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland, oo taageero caalami ah watay, soo bilowdayna sanadkii 2012, ayaa marar badan istaagay, iyadoo ay adkaatay in xal laga gaaro farqiga u dhexeeya labada dhinac ee ku aaddan arrimaha madax-bannaanida.

“Geeddi-socodka wada-hadalladu si rasmi ah ayuu u istaagay,” ayaa lagu soo xiray bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland.

- Advertisement -

Read more

Local News