28.1 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Nin muuqaalo anshax xumo ah ka duubay gabdho oo lagu xiray magaalada…

Bookmark
Bookmarked

Share

Jigjiga (Caasimada online) – Ciidamada Booliska ee Dowlad-deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in maanta ay soo xireen nin ku eedeysan in muuqaalo anshax xumo ah uu ka duubay gabdho Soomaaliyeed, isaga oo isticmaalayo baraha bulshada Internet-ka.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa magaca ninkan lagu soo gaabiyay Ayuub, kaas oo hadda ku xiran saldhigga wayn ee magaalada Jigiga.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu kasoo jeedo Muqdisho, balse uu hadda ka yimid Yurub, gaar ahaan Talyaaniga iyo Austria oo uu ku noolaa sanadihii lasoo dhaafay.

Soo qabashada ninkan ayaa ku timid, kadib markii ay dacwado kasoo gudbiyeen gabdho badan oo Booliska u tegay, kadibna uu sidaas ku howlgalay soona qabtay eedeysanaha.

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ninkan uu muuqaalo ka duubay gabadho kala jooga Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Wajaale, Addis Ababa iyo Jigjiga.

“Booliiska oo ka jawaabaya cabashada Dumarka ayaa kaddib soo qabtay Ninkaan oo teleefannadiisa laga helay muuqaallo uu ka duubay hablo Soomaaliyeed, baaritaan ayaa ku socda, waxa uu muuqaalladaan ku duubay Muqdisho, Hargaysa, Garoowe, Wajale, Addis Ababa iyo Jigjiga,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Booliska magaalada Jigjiga.

Waxaa kale oo uu Booliska intaasi kusii daray in Ayuub  dumarka uu dhibaateeyay ka raacay baraha bulshada, isaga oo marka hore shukaansaday, kadibna ka duubay muuqaallada anshax xumada ah, isaga oo adeegsanaya Vedio Call.

Dacwadda ayaa timid, kadib markii uu bilaabay in dumarka uu cabsi-geliyo muuqaalada uu duubay, kuwaas oo haatan soo gudbiyay dacwadooda, sidaas lagu soo qabtay ninka.

Si kastaba, Tani ma ahan arrin ugub ah, horay waxaa loo qabtay dad ku eedeysan isla kiisaskaan oo qaarkood dib looga soo celiyay dalka dibaddiisa oo ay u baxsadeen, waxaana ugu dambeeyay agaasimhii hore ee Isbitaalka Qardho oo haatan wajahaya maxkamad, loona haysto anshax ah, gaar ahaan muuqaallo uu ka duubay gabdho Soomaaliyeed.

- Advertisement -

Read more

Local News