29.9 C
Mogadishu
Monday, April 20, 2026

Xogta dilal ka dhacay Beledxaawo iyo xaaladda oo faraha ka baxday

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan xaalad cusub ay kasoo korortay degmada Beledxaawo, taas oo la xiriira amaanka magaaladaas oo ay horay ula wareegeen ciidanka dowladda Soomaaliya, kadib markii dagaal looga saaray Daraawiishta Jubbaland oo firxad ku galay Kenya.

Belexaawo ayaa saacadihii ugu dambeeyay waxaa ka dhacay dilal qorsheysan oo ay gaysteen kooxo hubeysan, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Illaa 5 ruux ayaa shalay iyo maanta siyaabo kala duwan loogu dilay gudaha degmadaasi, waxaana haatan baaris iyo dabagal bilaabay ciidamada amaanka.

Dadka la dilay waxaa kamid ah labo wiil oo isla dhalatay, kuna sugnaa hal goob iyada oo sidoo kale lala dilay laba wiil oo kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale saaka nin hubaysan ayaa dil kale ka gaystay isla degmada Beledxaawo, taas oo sii kordheneysa xaaladda amaan darri ee ka taagan halkaasi.

Booliska degmada oo ka hadlay dhacdooyinkan ayaa sheegay inuu bilbaabay baaris deg-deg ah, isla markaana uu ku raadjoogo kooxihii ka dambeeyay dilalkaasi argagaxa ku riday shacabka deegaanka.

Si kastaba, ha’ahaatee dhacdooyinkan ayaa la xiriira aanooyin qabiil oo muddooyinkan kusoo badanayay deegaannada Soomaalida, iyada oo xittaa la dilay dumar iyo carruur.

- Advertisement -

Read more

Local News