Somaliland oo war kasoo saartay wararka ah in DF lagu wareejiyay hawada

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka maamulka Somaliland Cabdullaahi Abuukar Cismaan ayaa shaaca ka qaaday in Hawada Somalia aan weli laga maamulin magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo warbixin kooban siinaayay Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya in guud ahaan Hawada Somalia xiligaan laga xakumo magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in weli uu socdo Heshiiska la xiriira hawada.

Wuxuu sheegay inaan dowlada Somalia lagu wada wareejin Hawada, balse ka maamul ahaan ay u furan tahay inay dhacsadaan xuquuqdooda ku aadan Hawada Somalia, si qeybtooda looga maamulo magaalada Hargeysa.

‘’Ma jiraan wax la yiraahda hawada Somalia waxaa lagu wareejiyay dowlada Somalia, waxaa arrinteena ku mashquulsan Wasiirka arrimaha dibadda iyo Maareeyaha Garoonka maadaama aan anigu howlahaasi aan weli gacanta ku heyn’’

‘’Waxaan qirayaa in wafdi ka socda Somaliland ay dhawaan shir uga qeybgaleen Nairobi UN-kana waan u sheegnay qorshaheena la xiriira inaan helno maamulka Hawadeena marka waxaa weli socda dadaalka’’ ayuu yiri

Wasiirka waxa uu sidoo kale sheegay inuu wali socdo wadahadal kala dhexeeya Somalia oo ku saabsan Hawada iyo hanaanka loo maraayo maamulkiisa, taa oo uu ku micneeyay mid muhiim ah oo aan weli la’isku marin.

Sidoo kale, Cabdullaahi Abuukar Cismaan waxa uu intaa raaciyay in xitaa dowlada Somalia aan wali loo dhameystirin qalabka Hawada laga maamuli lahaa, sida uu hadalka u dhigay.

Haddalka Cabdullaahi Abuukar Cismaan, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo ay Dowlada Somalia ku adkeysaneyso in Somalia ay hal tahay isla markaana Hawadeeda laga maamulaayo caasimada dalka ee Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com