Shariif Xasan oo dacwad ka gudbiyay xildhibaano ka tirsan BF Soomaaliya

Baydhaba (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Beydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in halkaa uu ka dhacay kulan gaara oo u dhexeeyay Hogaamiyaha maamulka iyo qaar kamid ah Odayaasha.

Shirkaan ayaa la soo sheegayaa inuu ahaa mid uu dacwad ku gudbinaayay Hogaamiye Shariif Xasan oo dacwad ka ah tirro Xildhibaano ka tirsan baarlamaaka Somalia.

Shariif Xasan ayaa Odayaasha u sheegay in laga doonaayo inay ka adkaadan Xildhibaanada ku matasha baarlamaanka oo uu sheegay in loo adeegsanaayo carqaladeynta maamulka Koonfur Galbeed.

Waxa uu Shariif Xasan u sheegay Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed in Xildhibaanadii ay soo saaren ay ka weecdeen axdigii lagu soo doortay, sidaa aawgeeda loo baahan yahay in la xusuusiyo ballamihii lagu soo xulay.

Shariif Xasan waxa uu Odayaasha beelaha u sheegay inuusan aqbali doonin in burburka Koonfur Galbeed loo adeegsado Xildhibaanada ay usoo xusheen inay ku matalaan Dowlada.

Shariif Xasan waxa uu sidoo kale Odayaasha u sheegay inay muhiim tahay in Xildhibaanadaasi ay si hufan u gutaan howlahooda, isla markaana ay ka fogaadan inay hormuud u noqdaan kuwa doonaaya inay gacantooda ku burburiyaan maamulka.

Sidoo kale, waxa uu aad uga digay in Odayaasha dhaqanka ay garab u noqdaan Xildhibaanada laga soo doortay deegaanada maamulka ee u tafa-xeydaneysa burburinta maamulka.

Si kastaba ha ahaatee, shirka Shariif Xasan iyo Odayaasha beelaha Koonfur Galbeed, ayaa kusoo beegmaaya iyadoo uu mugdi soo kala dhexgalay Hogaamiye Shariif iyo Xildhibaanada BF ee laga soo doortay deegaanada maamulka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhaba
Caasimada@live.com