Qaraxyo caawa lagu weeraray xarunta wasaarada gaashandhiga iyo khasaare ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Degmada Deyniile ee Gobolka Baanaadir ayaa sheegaya in caawa weerar lagu qaaday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday Qaraxyo ka dhashay Bamgacmeedyo dhowr ah kuwaa oo inta badan ku qarxay Kontoroolka laga galo irida Koowaad ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Qaraxyada Bambaano kadib ayaa waxaa Wasaarada laga maqlaayay rasaas xoogan oo ay is weedarsanayeen ciidamada iyo Maleeshiyaadka weerarka soo qaaday.

Goobjoogayaal ayaa qiray in Qaraxyada kadib ay xigeen rasaas ay isweydaarsadeen Ciidankii ku sugnaa Goobta iyo dableydii weerarka soo qaaday.

Sidoo kale, weerarka Qaraxyada iyo rasaasta ayaa waxaa ka dhashay Khasaare kala duwan inkastoo aan la xaqiijin heerka uu gaarayo khasaaraha.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa waayadaani degnaa Xarunta la weeraray ee Wasaarada Gaashaandhiga, inkastoo uu isaga soo guuray.

Geesta kale, Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa ah meel amnigeeda aad loo ilaaliyo, hase yeeshee waxaa ku badan weerarada lagu qaado xiliyada Habbeenkii.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com