Dagaalka Soomaalida iyo Oromada Ethiopia oo soo rogaal celiyay + Khasaraha

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Oromada ee dalka Ethiopia ayaa sheegaya in mar kale uu dib u qarxay dagaalkii u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida Ethiopia ee deriska la ah.

Maamulka Oromada ayaa xaqiijiyay inuu soo rogaal celiyay dagaalka Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida, kadib markii ay sheegen inuu kasoo bilowday dhanka Soomaalida.

Maamulka Oromada ayaa intaa ku daray in dilka soo rogaal celiyay ay bilaabeen shaqsiyaad Soomaali ah oo gudaha bishaan dilay ilaa iyo afar qof, sida ay hadalka u dhigeen. Oromada la laayey ayuu maamulka sheegay inay deegaan ku ahaayen Sohdinta labada Maamul, iyadoo ay jiraan dad kale oo dhaawac loo dhigay goobaha caafimaadka.

Maamulka Oromada ayaa sheegay in sidoo kale Soomaalida ay dab qabadsiiyeen in kabadan 250 Guri oo ay lahaayeen dadka Oromada ah,waxaana ismaamulka arrintaas ku eedeeyeen Ciidanka Liyuu Boolis loo yaqaan ee hoostaga dowlad Degaanka Soomalida Ethiopia.

Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulk Oromada.

Dagaalka soo rogaal celiyay ayaa sabab u noqday in al-baabada loo laabo ku dhawaad 30 Iskuul kaddib markii dadkii wax ka baranayay ay ka mid noqdeen Barakacayasha Oromada ee degaannadooda sohdina dhaca uga cararay colaadda Labada maamul u dhaxeysa.

Sidoo kale, Maamulka Dowlad deegaanka Soomaalida ayaan dhankooda weli ka hadal eedeymaha uga imaanaya maamulka Oromada, waxaana lasoo sheegayaa inay qafaal u heystaan Oromo badan.

Dagaalkaan oo horay Dhiig uu ugu daatay ayaa qaboobay labadii bil ee ugu danbeysay, kdib markii Dowlada Ethiopia ay la imaaday isbedel xal u noqday colaada.

Caasimada Online
Xafiiska Jigjiga
Caasimada@live.com