Aqri: Maxaad ka taqaanaa guddoomiyaha cusub ee maxkamada sare ee dalka?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee dalka, Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, waxaa uuna xilkaas u magacaabay Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Haddaba maxaa ka taqaanaa Tariikhda Guddoomiyaha cusub ee maxkamadda Sare?

Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed wuxuu shahaadada koowaad ee Jamacadda ka qaatay Jaamacadda Hargeysa, halka tan labaadna uu ka qaatay University of Hertfordshire, Hatfield oo ku taalla dalka Ingiriiska.

Garyaqaan Baashe waxa uu hore usoo noqday La-taliye sharci, Bare Jaamacad, qareen iyo cilmi baare sharci. Muddo 10 sano ka badan ayuu kusoo jiray hawlaha garsoorka iyo talo-bixinta sharciga.

Waxa ay wada shaqeyn dhexmartay hay’ado caalami ah oo ay kamid yihiin USAID, UNDP, UN WOMEN, IRI, Mercy Corps, UNICEF iyo Wasaarado ka tirsan dowladda federaalka ah oo ay kamid tahay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, hay’ado dowli ah iyo kuwa aan dowli ahayn oo ka dhisan Somaliland.

Waxa uu la taliye kasoo noqday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya sanadkii 2016-kii, waxaa uu na sidoo kale muddo 8 sanadood ah xubin ka ahaa ururka isu-tagga qareennada ee Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com