Somaliland oo war ka soo saartay diyaarado duqeeyey meel u dhow HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland  ayaa maanta markii u horeysay ka hadashay Diyaarado dagaal oo dhowaan bambooyin iyo waxyaabo kale oo qarxa ku tuurey deegaano katirsan degmada Salaxlay, oo qiyaastii magaalada Hargeysa u jirta 50-KM.

Wasiirka Arrimaha dibeda Somaliland, Yaasiin X.Maxamud Faratoon ayaa sheegay inay xukuumadoodu baaritaan ku wado arrintan diyaaradaha, isagoona ka dhawaajiyey ineyna marnaba raali ka aheyn Somaliland in xadkeeda lagu soo xad-gudbo.

“Dowladdu marnaba raali kama ah, cid cadaw ah, ama cid kasta oo dalkeeda iyo dadkeeba ku soo xad gudba, Dowladduna diyaar uma ah cid cadaw ah oo diyaarado wata ama hub iyo wax kale ku soo daadiya dalkeena, Dowlad iyo Shacabna raali kama nihin in xadkeena lagu soo xad gudbo” ayuu yiri Wasiir Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Wixii aynu ka qaban karnaan waa laga qabanayaa, arimahan oo kalena dalka hore wey uga dhac-dhaceen, diyaaradahan cid wadaa iyo ujeedada laga leeyahayna lama fahansana, laakiin Dowlad ahaan arrintan waanu hubineynaa, oo waanu baareynaa siday wax u dhaceen”

“Marka ay wax dhacaan waa la buun-buuniyaa, laakiin diyaaradahani haddii ay ka yimaadan wadamada aanu jaarka nahay, iyo haddii ay ka yimaadan baddahaba, marnaba raali kama nihin in lagu soo xad gudbo Baddeena, Dhulkeena iyo Hawadeenaba”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com