Soomaali badan oo lagu dilay weerar ka dhacay Libya

Tripoli (Caasimada Online) -Ugu yaraan 40 Muhaajiriin ah ayaa ku dhintay duqeyn ka dhacday gudaha dalka Libya, halka ay ku dhaawacmeen 80 kale, kadib markii ay Madaafiic ku habsatay meel lagu xiro soo galootiga oo ku taalla dalkaasi.

Xarunta la duqeeyay ayaa ku taalla bariga Tajoura oo ka tirsan magaalada Tripoli ee Caasimada dalka Libya.

Dadka dhintay ayaa inta badan ka soo jeeda dalalka Qaaradda Africa, sida Sudan, Eretria iyo Somalia.

Warar ay heshay Caasimadda Online ayaa ku warramaya in muhaajiriinta geeriyooday ay ku jiraan Soomaali badan, kuwaas oo aan weli tiradooda la shaacin.

Cusmaan Cali Afhayeenka wasaaradda caafimaadka Libya ayaa u sheegay wakaallada wararka ee AFP in dhismaha uu weerarku ka dhacay ay ku xirnaayeen 150 Maxbuus, islamarkaana la helay kaliya 35 qof.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in tiro intaas ka badan ay ku hoos jiraan dhismaha, balse haatan ay wadaan gurmad xoogan.

Dowladda ay aqoonsan tahay QM ee Libya, fadhigeeduna yahay Tripoli ayaa weerarkan ku eedeysay dagaal oogaha dalkaasi Khaliif Xaftar.

Balse afhayeen u hadlay General Xaftar ayaa diiday eedeyntaasi, isagoona waxba kama jiraan ki tilmaamay warkaasi.

Libya waxaa la dagay dagaallo sokeeye iyo kala qeybsanaan, tan iyo wixii ka dambeeyay markii xilka laga tuuray hoggaamiyihii muddada dheeraa ee Mucamar Al-Qadaafi 2011-kii.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Tripoli
caasimada@live.com