Somaliland oo si adag uga hadashay cabashadii ay DF Somalia uga gudbisay Kenya

Hargeysa (Caasimada Online) ― Somaliland ayaa si adag uga hadashay warqad cabasho ah oo Dowlada Federaalku uga gudbisay dowladda Kenya, taasi oo ku aaddan farriin qoraal ah oo la soo dhigay Twitter-ka Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya oo Somaliland ugu yeertay ‘Dal’.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya maalintii Isniintii ayaa lagu sheegay in dowladdu u gudbisay Kenya warqad cabasho ah oo ku aaddan qoraalka ay Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya ku baahisay barteeda Twitter-ka.

Xukuumada Somaliland ayaa iyaduna War-saxafadeed kaga jawaabtay cabashadaasi ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gudbisay, iyadoona sheegtay in Somaliland ay tahay dal madax banaan oo awood u leh inuu xiriir la sameeyo dalalka caalamka.

War-saxaafadeedkan oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibeda Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in Somaliland ay soddonkii sannadood ee la soo dhaafay ay ku naaloonaysay dawlad wanaag isla markaana ay ahayd dal madax-bannaan oo walaalnimo iyo iskaashi la wadaaga Wadammada jaarka la ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in tallaabooyinka Soomaaliya ay waxyeelo ku yihiin iskaashiga gobolleedka dalalka Geeska Afrika ee u heellan inay wax wada qabsadaan.

Wasaaradda ayaa war-saxaafadeedkeeda waxay ugu baaqday Soomaaliya inay wax ka qabato caqabadaha ka haysta dhinaca Horumarka, Nabadgelyada iyo Bini’aadanimada ee ka jirta gudaheeda, intii ay farogelin laheyd dalalka madaxa bannaan ee ay ka mid yihiin Kenya iyo Somaliland.

War-saxaafadeedka ayaa waxa lagu yiri: “Dawladda Somaliland waxay caddaynaysaa inay ka xun tahay tallaabada ka baxsan diblomaasiyadda ee ay qaaday Soomaaliya, taasi oo ay ku faro-gelinayso xidhiidhka Dawladaha Somaliland iyo Kenya”.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com