Sawirro: Farmaajo oo billad sharaf bixiyey maanta

Muqdisho (Caasimada Online)  – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta abaal mariyay guddigii qaban qaabada munaasabadaha xuska maalmaha Xorriyadda ee 26-ka Juun iyo kowda Luulyo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xarunta madaxtooyada ku guddoonsiiyay xubnaha guddigaasi billad sharaf oo ay ku muteysteen howshii ay qabteen.

Sidoo kale waxa uu uga mahadceliyay shaqada hufan ee ay u qabteen dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in maalmaha xorriyaddu ay yihiin astaan Qaran oo mudan in la weyneeyo, si loo xoojiyo wadajirka bulshada, ubadka Soomaaliyeedna loogu barbaariyo waddaniyad iyo dal jacayl.

Waxa kale oo uu guddigu ku boorriyay inay dejiyaan qorshaha xuska maalmaha xorriyadda ee sannadka soo socda, maadaama ay ku beegan tahay 60-guurada markii ay Soomaaliya xornimada ka qaadatay gumaystaha.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xubnaha Guddiga Qabanqaabada maalmaha Xorriyadda iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed uga mahadceliyay sida ay dal iyo dibadba uga qayb qaateen xuska Maalmaha Xorriyadda dalka.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com