Dowladda Soomaaliya u caraysan dalka Guinea iyo tallaabo ay qaadeyso (Aqri)

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegayo inuu baaqday kulan uu Saxaafadda isugu yeeray  Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad .

Xafiiska Wasiirka ayaa waxaa looga wacay Wariyeyaasha gudaha iyo dibadda, iyadoo loo sheegan inay kasoo qeybalaan shir jaraa’id oo uu qabanayo Wasiirka.

Saacad ka hor waqtigii loo ballansanaa shirka Jaraa’id ayaa la sheegay inuu baaqday kulankii uu Saxaafadda isugu yeeray Wasiirka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha keenay balse loo badinayo inuu Wasiirka soo saari doono war saxaafadeed qoraal ah.

Illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Caasimadda Online u xaqiijiyey inuu wasiirka ka hadli rabay booqashada Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Guinea iyo maqaamka soo dhoweynta ee loo sameeyay taasoo ka careysiisay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayey illo wareedyadaas xaqiijiyeen inay dacwad ka dhan ah Dalka Guinea u gudbineyso Midowga Afrika maadaama ficilkaas ay u aragtay inuu yahay mid ay Dowladda Guinea ku aqoonsaneyso Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay gaaray caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa Garoonka caalamiga ah ee Conakry ama Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure.

Intaa kaddib, madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa Garoonka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (Helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini sida uu ku soo waramayo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame..

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com