Jakarta (Caasimada Online) – Axmed Maxamed Kuna oo ah muwaadin Soomaaliyeed ayaa lagu dilay deegaanka Tebed oo ku dhow caasimada Indonesia ee Jakarta, waxaana la xaqiijiyay geeridiisa Sabtidii shalay.
Marxuumka oo 19-jir ah waxa uu Qaxooti ahaan ugu noolaa magaalladda Jakarta, isagoo ka diiwaan gashanaa Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR.
Warbaahinta dalkaasi waxay soo weriyeen inay Marxuumka dileen Koox Gangastaro Sarqaan ah, kadib, markii la sheegay inay Marxuumka is af-dhaafeen, isla markaana uu Marxuumka hadalo xunxun ku yiri Dembiilayaasha oo wada cabsanaa.
Taliyaha Boliska Deegaanka Tebet, Nuradin A. Rahmat ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 4-tii Dembiile ee isugu tegtay inay feer iyo ceeji ku dilaan Marxuumka Soomaaliga.
Taliyaha oo u waramayey Wargeyska Vivanews ayaa tilmaamay in dhamaan Afarta Eedeysane la xiray, kuna socoto baaritaan, inkastoo aan weli lagu soo oogin wax dembi ah.
Xogta Xafiiska Haya’adda UNHCR ee dalka Indonesia ayaa lagu sheegay inay dalkaasi ku nool yihiin Qaxooti tiradoodu dhan tahay 13,188 qof, kuwaasi oo badankooda sugayo inay Deganaansho ka helaan Waddamadda Reer Galbeedka, siiba Maraykanka iyo Kanada.
Caasimada Online
Xafiiska Jakarta
[email protected]

