Soomaalida iyo Canfarta oo gaaray heshiis 5 qodob ah kadib dagaal culus + Sawiro

Addis Ababa (Caasimada Online) – Magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya waxaa maanta ka dhacay shir ay soo qaban qaabisay wasaarrada nabadda ee dowladda federalka Itoobiya, kaas oo looga hadlay xiisadda coleedeed ee ka dhex qaraxday is-maamullada Soomalida iyo Canfarta.

Shirkaas waxaa ka qayb-galay madaxda ugu sarraysa labada deegaan ee Soomaalida iyo Canfarta. Waxaana dood dheer kadib la isla meel dhigay qodobadan:

1 –In la joojiyo dagaalka oo ciidamada labada dhinac ay ka fogaadaan jidka laamiga ah ee isku-xira Awaash iyo dalka Jabuuti, isla markaana loo jirsado ugu yaraan 10-km.

Ciidamada Soomaalida ayaa laga dalbaday in jidkaas ay 10 km dhanka bari uga jirsadaan, halka ciidamada Canfarta iyagana laga dalbaday in dhanka galbeed ay 10 km ka fogaadaan wadada laamiga ah ee xariirasa magaalada Awaash ee Itoobiya iyo dalka Jabuuti.

2 –In qadiyada seddaxda lahaanshaha magaalooyinka ee Garbaciise, Candhuuf Macaan iyo Cadeey lagu xalin doono nidaam sharci ah, inta ka horaysana ay ciidamada Qaranku sugayaan amniga shacabka magaalooyinkaas ku nool.

3 –In baaritaano lagu bilaabo weerarkii iyo waxyeeladii shalay ka dhacday magaalada Cadeey iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay ee dhex maray ciidamada Soomaalida iyo Canfarta.

4 –In wax deegaamayn cusub ah aan laga sameyn karin aaga colaadu ka jirto, isla markaana uu aagaas noqdo mid ka caagan ciidanka labada dhinac.

5 –In hey’adaha amniga dowladda dhexe ee Itoobiya ay bari laga bilaabo tagaan goobihii lagu dagaalamay.

Hoggaamiyaasha labada maamul ee Soomaalida iyo Canfarta ayaa kala saxiixday heshiiskan hordhaca ah oo ay garwadeen ka tahay wasaarrada nabadda ee dowladda federalka Itoobiya.

Dhulka lagu dagaalamay waxaa mudo dheer isku heystay qowmiyada Soomaalida iyo Canfarta, intiisa badana waxaa dega dad Soomaaliyeed, balse maamulkii hore ee deegaanka Soomaalida ee madaxweyne Cabdi Iley ayaa is-maamulka Canfarta u saxiixay inuu maamulo dhulkaas.

Hase yeeshee maamulka hadda ka taliya deegaanka ee madaxweyne Mustafe Cagjar ayaa ku gacan seyray heshiiskii uu saxiixay Cabdi Iley, taas oo dhalisay inuu labada maamul ka dhex qarxo dagaal ay ku dhinteen in ka badan 100 qof, oo isugu jira shacab iyo askar ka soo kala jeeday labada dhinac.

Madaxweyne Mustafe Cagjar oo ka hadlay heshiiskii maamulkii isaga ka horeeyey uu ugu ogolaaday maamulka Canfarta inay maamulaan gobolka la isku heysto ee City ayaa ku tilmaamay qayaano qaran oo xukunka lagu ilaashanayey, balse aysan ka tanaasuli doonin taako dhul ah oo dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin.