Soomaali badan oo kusoo baxday doorashada dalka Mareykanka + Magacyada

Washington (Caasimada Online) – Doorashadii xilliga dhexe ee Mareykanka ee xalay dhacday waxaa ka qeybgalay musharraxiin Soomaali-Mareykankan ah, kuwaas oo u tartamay xilal kala duwan oo heer degmo, gobol iyo Federaal ah.

Gobolka Minnesota waxaa ka tartamay ilaa 12 musharax, waxaana guuleystay siddeed ka mid ah, kuwaas oo kala ah;

Ilhan Cumar oo markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka.

Maxamuud Nuur, Hodan Xasan iyo Samakaab Xuseen oo loo doortay wakiillo ka tirsan aqalka hoose ee gobolka Minnesota.

Zayban Maxamed ayaa iyana noqotay gabadhii ugu horreysay ee Soomaali iyo madow ah oo ka mid noqota Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minnesota. Waxay sidoo kale noqotay gabadhii ugu da’da yareyd ee ka mid noqda aqalkaas, halkan Cumar Faatax isna dib loogu soo doortay kursigiisii Aqalka Sare.

Fathia Feerayare iyo Cabdul Cabdi ayaa iyagana loo doortay guddiga iskuullada magaalada Minneapolis.

Gobolka Ohio, Ismail Mohamed iyo Munira Abdullahi ayaa ka mid noqday golaha wakiillada gobolkaas.

Gobolka Maine waxaa Aqalka Sharcidejinta kusoo baxay laba gabdhood oo Soomaali ah, kuwaas oo kala ah Maana Cabdi oo aan lala tartamin iyo Deeqa Dhalac, kuwaas oo kusoo baxay doorashooyinkiii ka dhacay magaalooyinka Portland iyo Lewiston.

Deeqa Dhalac ayaa hore u soo noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqotay Mareykanka.

Isha: VOA