Soomaaliya iyo Jabuuti oo is-dhaafsaday xogo muhiim ah oo ku saabsan…

Jabuuti (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wasiirka Maaliyadda ee dalkaas, Ilyaas Muuse Dawaale iyo Saraakiil ka socotay Wasaaraddaas.

Kulankaas ayaa waxaa diiradda lagu saaray hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda iyo isku xirka qaybaha kala duwan ee ganacsiga oo ku saleysan danaha ay wadaagan labada dal.

“Waxa aan maanta kulan muhiim ah la qaatay dhigayga dowladda Djibouti Mudane Ilyas Moussa Dawaleh iyo Saraakiisha sare ee Wasaaradda Maaliyadda Djibouti, halkaa oo aan isku dhaafsannay xogo muhiim ah oo ku saabsan horumarinta Maaliyadda,” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook.

Waxa uu sii raaciyay qoraalkiisa “Waxa aan ka wada hadalnay sidii aan u wadaagi lahayn Waayo-aragnimada labada Dal ee hannaanka dib-u-habaynta maaliyadda, isku xirka qaybaha kala duwan ee Ganacsiga gaarka ah oo ku saleysan Walaalnimada Labada Dal.”

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa maalmihii dambe ku sugna dalka Jabuuti, wuxuuna ka mid ahaa Madaxda lagu casuumay shirka Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taasi oo lagu gorfeynayay sanadkaan caqabadaha ka jira gobolka oo ay ugu horeeyaan Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.