30.5 C
Mogadishu
Saturday, April 11, 2026

Soomaaliya oo garab istaag wayn u muujisay dalalka Khaliijka

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya oo soo saartay bayaan ku qoran Luqadda Ingiriiska ayaa si adag u cambaareysay weerarrada ay Iiraan la beegsatay xarumaha soo saarista tamarta ee dalalka Sacuudiga, Qadar iyo Isu Tegga Imaaradka Carabta.

Wasaaradda arrimaha dibadda oo iyadu soo saartay warsaxaafadeedka ayaa sheegtay in weerarrada Iiraan ay yihiin kuwo ka hor imaanaya shuruucda caalamiga ah iyo madaxbannaanida waddamada Khaliijka Carabta.

Sidoo kale, Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in ay si buuxda u garab taagan tahay Riyadh, Dooxa iyo Abu Dhabi oo hadda wajahay culeys xooggan.

“Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa garab istaageeda buuxa ee dawladaha iyo shucuubta Sacuudi Carabiya, Qadar, iyo Imaaraadka, waxayna taageeraysaa tallaabooyinka lagu ilaalinayo madax-bannaanidooda” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Dowladda Federaalka ayaa sidoo kale ku baaqday in wada-hadal lagu dhammeeyo khilaafka ka taagan bariga dhexe, gaar ahaan dagaalka Iiraan iyo Mareykanka oo kaashanaya Israa’iil, kaas oo saameeyay gobolka oo dhan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ka go’an tahay inay la shaqayso saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo dhiirrigeliyo nabadda, loona ilaaliyo kaabayaasha tamarta ee muhiimka ah” ayaa lasii raaciyay.

Warka kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kusoo aadayo, xilli dagaalku uu galay todobaadkii saddexaad oo xiriir ah, duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iilna ay sii xoogeysanayaan, halka Iiraan ay bartilmaameedsanayso saldhigyada Mareykanka iyo goobo rayid ah oo ku yaalla Khaliijka,

Sarkaal gobolka ah wuxuu sheegay in dareenka ugu weyn ee madaxda Carbeed uu yahay mid cad: in Trump uu si buuxda u wiiqo awoodda milateri ee Iiraan.  Sida uu xusay sarkaalkaAS, beddelka arrintaas ayaa ah in lagu noolaado cabsi iyo argagax joogto ah.

Iiraan oo u badan Shiico ayaa inta badan shaki weyn ka qabtay dalalka deriska la ah ee Khaliijka Carabta ee Sunniga ah—kuwaas oo ah xulafada dhow ee Mareykanka, martigeliyana saldhigyo milateri oo Washington ay leedahay.

Sanadihii la soo dhaafay, Iiraan iyo xulafadeeda gobolka ayaa lagu eedeeyay inay weeraro ku qaadeen xarumaha tamarta ee Khaliijka, gaar ahaan weerarkii 2019 ee lagu qaaday xarumaha shidaalka ee Abqaiq iyo Khurais ee Sacuudiga, kaas oo hoos u dhigay wax-soo-saarkii Sacuudiga gariiriyayna suuqyada tamarta.

Hoos ka akhriso bayaanka oo dhammaystiran;-

- Advertisement -

Read more

Local News