29.9 C
Mogadishu
Tuesday, April 21, 2026

Golaha Mustaqbalka oo taageeray Lafta-gareen

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka kooban Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta ayaa taageero xooggan u muujiyay madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gebi ahaan xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh.

Goaha ayaa ugu horreyn soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen oo shalay qaadacay Dastuurka cusub ee la ansixiyay, isaga oo sheegay in ay aqoonsan yihiin Dastuurkii KMG ka ahaa ee 2012-kii.

Sidoo kale, Golaha Mustaqbalka ayaa taageeray in Koonfur Galbeed ay qabsato doorashadeeda, waxayna sidoo kale ugu baaqeen Maamul-goboleedyada kale ee Galmudug iyo HirShabelle in ay doorasho galaan.

Dhanka kale, qoraalkan ayaa digniin loogu diray madaxweyne Xasan Sheekh , wuxuu goluhu ka digay in Ciidamada Qalabka Sida u adeegsado siyaasad.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu soo dhowaynayaa go’aanka dowlad-goboleedka Koofur-galbeed ay ku diiday wax ka baddalkii sharcidarrada ahaa ee dastuurka, wuxuuna Madaxweyne Xasan Sh uga digayaa ku takrifalka ciidamada Qalabka Sida iyo hay’adaha kale ee bixiya adeegyada xasaasiga ah” ayaa lagu yiri bayaanka.

Taageerada Golaha Mustaqbalka ayaa timid, kadib markii uu madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen uu shalay soo saaray go’aanno xasaasi ah, kuna dhawaaqay in uu doorasho ka qabanayo Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana kasii horreeyay go’aan kale oo uu xiriirka ugu jaray dowladda dhexe.

Xiisadda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada Koonfur Galbeed ayaa u muuqata mid kasii dareysa iyadoo meelaha qaar laga dareemayo abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo muujinaya suurtagalnimada isku dhacyo hor leh.

Si kastaba, Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisadda labada dhinac oo kusoo aaday xilli xasaasi ah oo ay horay u taagnaayeen khilaafaad kale oo ka dhashay doorashooyinka heer Federaal iyo wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka dhawaan la ansixiyay, kadibna uu saxiixay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

 

- Advertisement -

Read more

Local News