Nairobi (Caasimada Online) – Sanduuqa Kuwait ee Horumarinta Dhaqaalaha Carabta (KFAED) ayaa heshiis deeq maaliyadeed la saxiixday Xafiiska QM ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadantinimada (OCHA), taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo taageerada bani’aadamnimo ee Soomaaliya.
Heshiiskaan oo la saxiixay Khamiistii ayaa lagu sheegay inuu ku kacayo $2.5 milyan, waxaana loogu talagalay in lagu taageero Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya.
Munaasabadda saxiixa heshiiska ayaa waxaa kasoo qayb-galay masuuliyiin ka socday labada dhinac, waxaana heshiiska si rasmi ah u kala saxiixday Ku-simaha Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Kuwait, Waleed Al-Bahar, iyo Agaasimaha Maaliyadda iyo Iskaashiga OCHA, Lisa Dotten.
Heshiiskan ayaa socon doona inta lagu guda jiro sannadaha 2025 ilaa 2026, iyadoo la filayo in uu wax weyn ka tari doono dadaallada gurmadka bani’aadanimo ee gudaha Soomaaliya.
Ujeeddada deeqdan ayaa ah in lagu maalgeliyo mashaariicda bani’aadamnimo ee yaryar oo si toos ah wax uga qabanaya xaaladaha degdegga ah ee ay la tacaalayaan dadka Soomaaliyeed.
Waxaa la rajeynayaa in mashaariicdan ay gaari doonaan in ka badan 6.9 milyan oo qof oo ay saameeyeen abaaraha ba’an iyo colaadaha soo noqnoqda ee ka jira dalka.
Deeqdan cusub waxay noqonaysaa mid sii xoojisa xiriirka iskaashi ee ka dhexeeya KFAED iyo Qaramada Midoobay, iyadoo la xusuusto in tani ay tahay taageeradii afaraad ee uu Sanduuqa Kuwait siiyo hay’adaha Qaramada Midoobay.
Tan iyo sannadkii 2017, Sanduuqa Kuwait wuxuu bixiyay deeqo gaaraya ku dhawaad $4.6 milyan, taasoo muujinaysa joogtaynta taageeradooda. Deeqdii ugu dambaysay ee horay loo bixiyay ayaa ahayd mid la siiyay dhulka Falastiiniyiinta sanadkii 2024, taasoo qeyb ka ahayd kaalmada bani’aadamnimo ee gobolkaas.
Heshiiska cusub ee lala galay OCHA wuxuu ka tarjumayaa istaraatiijiyadda Sanduuqa Kuwait ee ku saleysan garab istaagga dadka nugul ee dunida, gaar ahaan kuwa ay si weyn u saameeyeen musiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadantinimo.
Soomaaliya ayaa kamid ah meelaha u baahan in si degdeg ah oo joogto ah loo taageero, maadaama xaaladaha bini’aadamnimo ee ka jira ay weli adag yihiin.
Deeqdan ayaa noqon doonta mid kor u qaadda awoodda wax-qabad ee Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya, iyadoo sahleysa in si degdeg ah loo gaarsiiyo gargaar dadka u baahan.