Soomaaliya oo noqotay dalka ugu dilalka badan!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Daraasad lagu sameeyay dilalka godobfalada ah ee ka dhaca caalmka ayaa waxaa lagu soo bandhigay dalalka ugu badan oo ay ka dhacaan dilalka salka ku hayo sadbursiga iyo is naceybka.

Warbixin uu daabacay Machadka Daraasadka Amniga Ee AFRIKA Ee loo yaqaano Issafrika, ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in dalka Somalia uu yahay dalka ugu dhiig daadinta badan Caalamka intiisa kale.

Warbixinta oo ah mid bile ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in labadii bil ee aan kasoo gudubnay Somalia ay ka dhaceen dilalka ugu badan caalamka gaar ahaan marka sigaar ah loo eego Geeska africa.

Dilalka ayaa isugu jira kuwo ku saleysan aano, fakir naceyb, kuwo ay geysteen Amisom iyo qaar loo cuskaday sharciga oo ay fulisay Dowlada Somalia.
DOKUMENT
Machadka ayaa dilalka dhacay usoo bandhigay qaab sawir ah oo muujineysa in Ciidamada Amisom ee Somalia ay dilen dad dhan 650 qof intii lagu jiray labadii bilood ee la soo dhaafay.

Sidoo kale, Machadka ayaa inta badan daraasadiisa xooga ku saaray Qaarada madow ee Africa, waxaana sidaa kaalinta koowaad ku gashay Somalia, halka Kenya iyo Nigeria ay iyaguna galeen kaalimaha kale.

Dilalka dhacay ayaan inta badan loo cuskan sharciga iyadoona dadka dilalkaasi geystay ay u badan yihiin kuwo baxsaday.

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadamiga ayaa dhowr jeer qoraal kusoo bandhigay godobfalada ay geysanayaan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowlada Somalia oo iyagu aan lagala xisaabtamin falalkaasi.

Kiisaska dilalkaani oo uu soo bandhigay Machadka ayaa noqonaayo kii ugu adkaa oo laga diyaariyo Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com