Soomaaliya oo taageero nooc cusub ah ka dalbatay caalamka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa waddanka Switzerland kaga qayb-galay furritaanka kalfadhiga 113-aad ee golaha IOM.

Kalfadhigaan ayaa inta uu socdo diirrada lagu saari doonaa isbeddelka cimilada, haqab-beelka cuntada iyo barakaca oo saameyn weyn ku leh dadkeenna Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ergeyga gaarka ah oo ka hadlay madasha furritaanka kalfadhiga IOM ayaa ka dalbaday deeq bixiyaasha caalamiga ah in laga taageero Soomaaliya la-qabsiga isbeddelka cimiladda iyo dhicitaankiisa intaba.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay sida ay lagama maarmaan u tahay in adduunku iskaashi ka yeesho wax ka qabashada isbedelka cilimada ee sii xumaanaya.

Soomaaliya oo wajaheyso marxalado adag ayaa waxa saameyn ku yeeshay xaaladaha ay sababaan isbedelka cimilada, xili ay muddooyinkii dambe dalka ka jirtay abaar baahsan.