Xog: Madaxweyne Xasan oo soo farogeliyey baaritaanka weerarkii Hotel Villa Rays

Muqdisho (Caasimada Online) – Baaritaan culus ayaa la billaabay oo ku saabsan weerarkii Hotelka ku dhow Xarunta Madaxtooyada ee Villa Rays, kadib markii uu xaaladda soo farageliyay Mmadaxweyne Xasan Sheekh.

Weerarka, oo ahaa mid aan hore loo arag goobta uu ka dhacay iyo qaabka loo fuliyey, ayaa loo arkay halis amni iyo fashil ku yimid Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka oo ay ugu horeysay Hay’adda Sirdoonka ee NISA, taasi oo keenay inuu madaxweynaha isugu yeero taliyeyaasha ciidamada, kana dalbado faahfaahin.

Arrimaha su’aalaha ka taagan yihiin ayaa ah sida ay ku dhacday in hay’adda sirdoonka ee NISA ay ka warheli weyso kana hortagi weyso weerar ka dhacay meel aan ka fogeyn madaxtooyada qaranka iyo xarunta NISA.

Xogta la helay ayaa sheegeysa inuu Madaxweyne Xasan Sheekh amray warbixin ku saabsan sidii ay wax u dhaceen, iyo mas’uuliyadda cidda leh, taasi oo laga sugayo Hay’adda NISA, waxaana kulamada ka qeyb galay taliyeyaasha ciidamada ilaalada Madaxtooyada.

Wararka ayaa sheegaya inuu tallaabo laga qaadi dooo saraakiil iyo ciidamo loo heysto qaraxa Hotel Reys, iyadoo ay hadda xiran yihiin ciidamo ka mida kuwii qaabilsanaa baraha kontorool ee laga ilaaliyo Madaxtooyada.

Hotel Villa Rays wuxuu ku yaallaa meel aad ugu dhow Villa Somalia, oo amnigeeda aad loo sugo. Wadda walba wxaaa yaalla bar kontorool oo amniga la sugo, wayna adag tahay xitaa inay galaan dadka shacabka ah. Haddaba waxaa la isweydiinaya sidee ayey ku dhacday in Al-Shabaab hubeysan ay dhib la’aan ku gudbaan goobahaas amni?