Khabiir amni oo soo jeediyey in la fasaxo BF kadibna dalka la geliyo xaalad deg deg ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdisalaan Guuleed oo ah khabiir amni oo horey u soo noqday agaasime ku xigeenkii hore ee hay’adda NISA ayaa ka hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, kadib markii ay kordheen weerarada au ka fuliso kooxda Al-Shabaab.

Cabdisalaan Guuleed oo u warramay Universal TV ayaa sheegay in weerarkii maalin kahor lagu ekeeyey dhismaha hoteelka Villa Rays oo kaabiga ku haya xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo dalka uu muujinayo in amniga guud ee waddanka uu faraha kasii baxayo.

Sidoo kale wuxuu soo jeediyey in la beddalo dhammaan saraakiisha lasoo shaqeeyey dowladdii hore, taas oo uu ku eedeeyey in aysan la dagaalamin Al-Shabaab.

“Haraadiga dadkii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo dowladdiisa la shaqeeyey in la beddalo, sababtoo ah dowladdaas lama dagaashaneen Al-Shabaab,” ayuu yiri Cabdisalaan Guuleed.

Waxa kale oo uu intaasi kusii daray in loo baahanyahay wax laga beddalo shaqada guud ee hay’adaha amniga, sidoo kalena wax laga qabto ciidanka hubka ku dhex wata caasimada.

“Qaabka amniga ee caasimada iyo qaabka hay’adaha Nabad Sugidda iyo Booliska u shaqeynayaan in wax laga beddalo. Dhaq dhaqaaqa ciidamada hubeysan ee magaalada dhex socdana waxay u baahan tahay in deg deg wax looga bedalo,” ayuu sii raaciyey.

Agaasime ku xigeenkii hore ee NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh inuu qaato go’aan culus, isla-markaana uu fasaxo Baarlamaanka, kadibna dalka uu geliyo xaalad deg-deg ah, si loo wajaho dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab.

“Aniga waxaan ku talin lahaa in madaxweyne Xasan Sheekh uu fasaxo Baarlamaanka, waddankana xaalad deg-deg ah la geliyo, si dhaqaalaha loo tashiilo oo waxa socdo loogu wajaho,” ayuu markale ku yiri wareysigan agaasime ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo haatan dalka uu ku jiro marxalad dagaal kadib markii dowladda Soomaaliya Al-Shabaab ku qaaday dagaal saddex jiho ah oo ku aadan xagga ciidamada, dhaqaalaha iyo fikirka, waxaana dagaalkaas qayb ka ah dadka deegaanka.