Afhayeenka Al-Shabaab oo sameeyey sheegasho yaab leh kadib weerarkii Villa Rays

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage, (Sheekh Cali Dheere) ayaa ka hadlay weerarkii ay kooxda Axaddii ku qaaday hotelka Villa Rays oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo sheego yaab leh uu ka sameeyey. 

Cali Dheere ayaa sheegay inay weerarkaas ku dileen madax ka tirsan dowladda, saraakiil ciidan iyo askar, inkasta oo dowladda ay xaqiijisay in dadka ku dhintay ay ahaayeen sideed qof oo shacab ah iyo hal askari.

“Weeraradaas ayaa beegsaday qeybta bari ee Madaxtooyada, wuxuuna hawlgalkan u dhacay qaabkii loo qorsheeyay kadib sahan iyo qiimeyn uu sameeyay jihaazka amniga [sirdoonka] ee xarakada Al-Shabaab,” ayuu yiri.

Cali Dheere ayaa intaas ku daray in maleeshiyada weerarka fulisay ay ka tallaabeen dhamaan jid-gooyooyinka amni ee yaallay waddooyinka laga galo aagga madaxtooyada.  

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sidoo kale si yaab leh u sheegtay inay weerarka ku dileen 52 qof, ayna ku dhaawaceen 39 kale, ayna dadka ay waxyeellada soo gaartay ay ku jiraan wasiiro, wasiiro dowlayaal iyo agaasimeyaal wasaaradeed. 

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan inuusan jirin xitaa hal wasiir oo la xaqiijiyey inuu weerarka ku dhaawacmay, inkasta ay jireen wasiiro ku sugnaa hotelka balse laga soo badbaadiyey. 

Sida ay ogaatay Caasimada Online, baaritaan culus ayaa hadda la billaabay oo ku saabsan weerarkii.

Weerarka, oo ahaa mid aan hore loo arag goobta uu ka dhacay iyo qaabka loo fuliyey, ayaa loo arkay halis amni iyo fashil ku yimid Hay’adaha Amniga dowladda Federaalka oo ay ugu horeysay Hay’adda Sirdoonka ee NISA, taasi oo keenay inuu madaxweyne Xasan Sheekh isugu yeero taliyeyaasha ciidamada, kana dalbado faahfaahin.