Soomaalida magaalo UK ka tirsan oo si gaar ah u taabtay weerarkii Hotel Villa Rays

Birmingham (Caasimada Online) – Jaaliyadda Soomaalida ee magaalada Birmingham ee waddanka Britain ayaa sheegay inay ka argagaxeen warka geerida gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaaladaasi iyo culimo kale oo ku dhintay weerarkii Axadii ay Al-Shabaab ku ekeeyeen hoteelka Villa Rays ee ku yaal agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Ciidammada ammaanka ee Soomaaliya ayaa gelinkii dambe ee Isniintii sheegay inay soo afjareen dagaal hoteelka ka socday muddo ka badan 20 saacadood.

Hoteelka Villa Rays ee weerrarka lagu bartilmaameedsaday ayaa waxa uu ku yaal goob aad loo ilaaliyo oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiinta dowladda, waxaana halkaasi lagu dilay ugu yaraan 8 qof oo rayid ah iyo hal askari.

Dadka meeshaas lagu dilay waxaa kamid ah Sheekh Cabdulqaadir Cabdullaahi Axmed (Sheekh Cabdulqaadir Garweyne), gudoomiyihii masjidka wayn ee Al-Raxma ee magaalada Birmingham

Sheekh Fu’aad Bashiir Dool oo aqoon duruqsan u leh Sheekh Cabdulqaadir Garweyne ayaa sheegay inuu banneeyay boos ay adag tahay in la buuxiyo.

“Shalay waxay u ahayd magaalada Birmingham iyo masjidka Raxma malin murugo. Waxa uu ahaa nin dulqaad badan, dadka isku wada isla markaana si wanaagsan uga soo baxa hawlaha looga baahan yahay,” ayuu yiri Sheekh Fu’aad Bashiir Dool.

Waxa uu sheegay in Sheekh Cabdulqaadir Garweyne oomuddo ka badan 20 sano ku noolaa Birmingham, uu ka sokow faafinta iyo u shaqeynta Islaamka uu sidoo kale ahaa nin nabadoon ah oo xalliya khilaafaadka ka dhex abuurma Soomaalida ku nool magaaladaas.

Dadka kale ee weerarka ku dhintay

Waxaa sidoo kale weerarkaas ku dhintay Maxamed Xasan Cilmi (Sayid) oo qudhiisa kamid ahaa odayaasha Birmingham isla markaana ka tirsanaa guddiga maamula masjidka Raxma ee magaaladaas.

Marxuumka ayaa qoraalkiisii ugu dambeeyay ee uu soo dhigay bartiisa Facebook waxa uu uga hadlay sida loo cidleeyay huteellada Muqdisho, isagoo ugu baaqay dowladda Federaalka ah in shirarka dibedda loo aado lagu qabto gudaha caasimadda.

Sayidka iyo saxaiibkii Sheekh Cabdulqaadir Garweyne ayaa gelinkii dambe ee Isniinta lagu aasay qubuuraha Calamada ee Afgooye, maaddaama meydadkooda horay laga helay.

Jamaal Maxamed Ubaxle oo isna ku noolaa Birmingham ayaa kamid noqday dadka ku dhintay weerarka ka dhacay Huteel Villa Rays, waxaana lagu tilmaamay nin wanaag badan sameeyay oo ku dedaalli jiray cibaadadda.

Su’aalo badan ayaa ka taagan sida ay Al-Shabaab ugu suuragashay in ay qarax iyo weerar toos ah ugu barilmaameedsadaan huteel ku yaalla aag sidaa loo ilaaliyo.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin.