Soomaaliya oo xil sare iyo taageero culus ka heshay IGAD (Aqriso shan qodob)

Djbouti (Caasimada Online) – Waxaa la soo gabagabeeyey shirkii Jabuuti uga socday madaxda urur goboleedka IGAD, kaas oo laga soo saaray war-saaxadeed, ilaa shan qodob oo ku jirta is-afgarad madaxda IGAD ayaa toos u quseeya Soomaaliya.

Qodobka 1-aad ayaa dhigaya in ku xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD laga dhigo qof Soomaali ah, iyadoo xubintaas ay soo magacaabi doonto dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale isla qodobkaas waxaa lagu xusay in afar sano oo kale muddo xileedkiisa Xoghayaha Guud ee IGAD loogu kordhiyey Workneh Gebeyehu oo u dhashay dalka Itoobiya.

Madaxda IGAD waxay bogaadisay guulaha ciidanka xoogga Soomaaliya ay ka gaarayaan dagaalka, waxayna caalamka ka codsadeen in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, si argagixisada ay uga adkaato.

Hoos ka akhriso nuxurka qodobada quseeya Soomaaliya ee shirkii IGAD ka soo baxay:

  1. In Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee IGAD uu noqdo Soomaali ay soo magacawdo Dowladda Federaalka Soomaaliya, halka muddo 4 sano ahna xilka loo kordhiyey Mudane Workneh Gebeyehu oo ah Xoghayaha haatan ee IGAD.
  2. In dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maamul ee dallada IGAD, iyadoo si siman ay u shir guddoomin doonaan sannad kasta mid ka mid ah dowladaha xubnaha ka ah.
  3. Madaxda IGAD ayaa bogaadiyay guulaha laga soo hooyay dagaalka ka dhanka ah argagixisada Al-Shabaab, iyagoo sidoo kalena ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, taas oo caqabad ku ah dagaalka Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ay kula jiraan argagixisada Al-Shabaab.
  4. Madaxda ayaa Beesha Caalamka ugu baaqay in Dowladda Federaalka Soomaaliya taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeedba lagu siiyo meelmarinta go’aammadii ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka ee Soomaaliya.
  5. IGAD ayaa dhinacyada dagaalka Laascaanood ugu baaqday in si degdeg ah loo joojiyo dirirta, iyo in wadahadal lagu xalliyo kala aragti duwanaanshaha jira.