Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka SSC-Khaatumo ayaa jawaab adag ka bixiyay warqad ay xalay soo saartay Puntland, taasoo ay ku sheegtay in aysan aqoonsaneyn maamulka SSC, islamarkaana dhulkaas uu qeyb ka yahay Puntland.
SSC-Khaatumo oo sheegtay in khad cas yahay in jiritaankeeda la geliyo muran, ayaa nasiib-darro ku tilmaantay hadalka kasoo yeeray Puntland ee la xiriira diidmada aqoonsiga gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn.
Madaxweyne ku-xigeenka SSC-Khaatumo, Maxamed Cabdi Ismaaciil, oo qoraal soo saaray, ayaa si cad u sheegay “in aan cidina xaq u lahayn inay xaqirto dhismaha maamulka cusub ee socda, kaasoo ay ku mideysan yihiin Maakhir iyo Khaatumo.”
“Waxaa nasiib-darro ah qoraalka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Puntland. Maamulka SSC-Khaatumo waa dowlad xubin ka ah hannaanka federaalka ee dalka,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka SSC-Khaatumo.
Wuxuu intaas ku sii daray: “Cidna laga aqbali maayo inay su’aal geliso jiritaanka SSC-Khaatumo.”
Mudane Maxamed Ismaaciil ayaa sheegay in khad cas ay tahay in muran la geliyo aqoonsiga ama jiritaanka SSC-Khaatumo, oo haatan isu diyaarinaya noqoshada maamul-goboleed rasmi ah.
“Puntland iyo shacabkeeda wanaag iyo walaalnimo ayaan u haynaa, laakiin waxaa khad cas ah aayo-ka-tashiga dowlad-goboleedka SSC-Khaatumo,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka SSC-Khaatumo.
Jawaabtan ayaa imaneysa saacado kadib markii maamulka Puntland uu gebi ahaanba meesha ka saaray aqoonsiga maamul ka madax-bannaan oo ka dhisan deegaannada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyadoo ku celisay in gobolladaasi ay si dastuuri ah uga tirsan yihiin Puntland.
War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa lagu eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay waddo faragelin lagu wiiqayo xasilloonida iyo midnimada Puntland, sida hadalka loo dhigay.
Bayaanka, oo ah kii ugu adkaa ee kasoo baxa Puntland tan iyo markii ay DF aqoonsatay maamulka SSC, ayaa si toos ah u qeexaya khilaafka qotada dheer ee ka dhashay mustaqbalka siyaasadeed ee deegaannada beesha Dhulbahante.
Puntland ayaa si cad u diidday jiritaanka maamul gooni ah oo aan soo marin habraaca dastuuriga ah ee Puntland, sida ay tiri. Waxay caddeysay in, sida ku cad qodobka 7-aad iyo 138-aad ee Dastuurka Maamulka, “Gobollada Sool iyo Cayn (Dhulbahante) iyo guud ahaan beelaha dega ay si buuxda wax uga dhisteen Maamulka Dowladda Puntland, sanadkii 1998-dii.”
Sidoo kale, waxay ku eedeysay Villa Somalia inay leedahay damac ah “in ay burburiso amniga iyo dowladnimada ka jirta Puntland,” isla markaana ay doonayso inay “fashiliso dagaalka ay Dowladda Puntland iyo saaxiibada caalamku kula jiraan argagixisada caalamiga ah ee Daacish iyo Al-Shabaab.”
Dowladda Federaalka, oo haatan si weyn isugu haysta arrintan hoggaanka Puntland, ayaa dadaal badan gelinaysa dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, oo ay u aragto mid ay kaga adkaan karto Puntland. SSC ayaa taabacsan Villa Somalia, iyadoo la filayo in deegaannada maamulkaasi ay ka qabsoonto hanaanka doorasho ee ay riixayso Villa Somalia.

