SSC oo shaacisay tirada askarta Somaliland ee usoo gacan galay iyo saraakiil ku jira

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxa maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Firdhiye ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyay tirada maxaabiista ee Somaliland kaga qabsadeen dagaalkii dorraad.

Mudane Firdhiye oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Laascaanood ayaa ugu horeyntii shaaciyay in maamulkiisa SSC-Khaatumo uu hub ka dhigis caadi ah ku sameeyay ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, xilli ay xukuumadda Somaliland sheegtay inay dharbaax culus uga jawaabi doonto weerarkaasi

“Hub ka dhigis ama dab ka dhigis baan ku samaynay maleeshiyaadkii Somaliland waxaana u mahad-celinayaa ciidamada SSC oo sacabooley ka dhigay maleeshiyaadkas Muuse Biixi,” ayuu yiri madaxa maamulka SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Somaliland si ba’an loogu jebiyay dagaalkii dorraad, islamarkaana ay ka qabteen maxaabiistii ugu badneyd ee dagaal, kuwaasi oo ay ku jiraan saraakiil sare oo kamid ah hoggaanka ciidanka Somaliland.

“Somaliland waxaan ka qabanay 218axbuus oo aan dhaawac qabin iyo 42 maxbuus oo dhaawac ah, taasi oo tirada guud ee maxaabiista ah 260 Askari ilaa hadda, maxaabiista waxa ku jira saraakiil ah dambiilayaal dagaal ah, gacanta ayaan ku haynaa hay’addii xaqqa u lahaa ayana u gudbinay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in weerarkii maalmo kahor ku qaadeen saldhigii ugu weyna ee ciidamada Somaliland ku lahaayeen aagga Laascaanood ay ku dileen dad shacab, balse keliya la dagaalameen ciidamadii dul fadhiyay magaalada.

”Luuqadii uu yaqaanay ee uu rabay Muuse Biixi ayaan kula hadalnay 25kii August, maleeshiyaadkiisii ayaana anigu abaalkooda marinay shacab ma aanan weerarin.”