Weeraruyahanka kooxda Fiorentina Stevan Jovetic ayaa sheegay inuusan meelna uga socon kooxda Talyaaniga ka dhisan.
23-jirkaan ayaa lala xiriirinaayey Juventus iyo Manchester City bilihii lasoo dhaafay, laakiin wuxuu qirtay inuusan dooneyn inuu ka tago Viola.
“Halkaan ayaan ku fiicanahay,” ayuu u sheegay Rai Sport.
“Kamategi doono.Kama fikiraayo wax quseeya inaan baxo, xittaa hadii aanan garaneyn waxa dhici doona nolasheyda.”
Waxaa Qoray: Ahmed Jaangoan
E-mail: [email protected]
Caasimada – Mogadishu.