Sugidda maamuuska iyo miisaan-u-socodka madaxda maamul goboleedyada

Marka ay madaxda maamul goholeedyadu socdaalayaan si ay u soo gudtaan shaqadooda maalinlaha ah waxaa hareera yaacaya dad farabadan. Arrintaas waxay keentaa culays waxay ku keentaa qorshaha madaxweynuhu u soo baxay, shaqada baratakoolka madaxweynaha iyo amaanka madaxweynaha intaba waxayna keentaa in uusan madaxweynuhu socon socod qumane hagaasan.

Kooxda baratakoolka madaxtooyada, unugga amaanka madaxtooyada si gaara ciidamada sida xirfadaysan u waardiyeeya madaxweynaha waxaa saaran masuuliyad aad u wayn oo ay ugu horayso maamuska iyo badqabka madaxweynaha. Markii aad cid ka ilaalinayso ciddii ay la macaamilaysay wax sahlan maahan waana shaqada ciidamada gaarkaa ee madaxda.

Marka madaxwayne shaqo aadayo ama uu gelayo safar gaaban, safarkiisa iyo qorshayaashiisa waxaa laga ogyahay maqaayadaha, xeryaha iyo guryaha  inta uusan safrin saacado ka hor iyo xitaa maalmo mana loo baahna in cidkastaa sii ogaato qorshayaasha madaxtooyada. Waxaa arrintaas ugu wacan in laga ogaado xeryaha iyo maqaayadaha in madaxweynaha hareero dhooban markasta dad aan loo baahnayn in ay hareera dhoobnaadaan wax duruufana aysan keenin in ay hareero yaacaan madaxweynaha. Sax maahan in ay madaxweynaha iyo ciidamada waardiyaha gaarkaa ee sida xirfadaysan u hubaysan loo dhexeeyo oo uu u dhexeeyo qof aan duruufi keenin kaliya waxaa madaxweynaha iyo ciidankaas u dhexayn kara qof duruufi keentay. Duruuftu hal mar ma keeni karto in ay madaxweynaha iyo ciidankaas u dhexeeyaan ku dhawaad 20 illa 50 qof. Waxaa u dhexayn kara qofka sida dhaw u caawinaya madaxweynaha oo xaafiiskiisa ka tirsan iyo wasiir ama hawl wadeen kale oo markaas madaxweynaha kala shaqaynaya arrin gaar ah ama warbixin siinaya. Waa dhaqan gaboobay in madaxweynaha laga daba yaaco oo laysku istaago inta la kala xigsanayo madaxweynah iyo sawirka dhacaya, sidaasna waxay madaxweynaha ka luminaysaa haybad u socodka iyo qorshayaashii soo bixitaankiisa waxayna ku keenaysaa kooxda amaanka ilduuf badan, waxayna keenaysaa isku dhex yaac iyo in baratakoolkii lumo ileen haddii la yaaco waxaa laga yaabaa in ay lunto kala mudnaanta iyo kala horraynta madaxda oo uu madaxweynaha ku xigsado agaasime ama hawl wadeen kale amaba madaxweynayha saaxiibkiis ayadoo sawiir goobta joogo hadhdhoowna markii lugu arko saxaafadda bulshadda si kale ayaa loo fasirayaa.

Miisaan-u-socodka madaxda

Miisaan u socodka madaxweynuhu waa muhim waana sababta loogu asteeyay kooxo shaqo oo kala duwan sida tiimka baratakoolka iyo hab maamuuska, unugga amaanka iyo hawl wadeeno kale oo saacida madaxweynaha. Socoka madaxweynuhu ma ahan markasta mid fudud oo isku dubaridan si qummanna uguma socon karo bushada dhexdeeda sidaas daraadeed kooxda amaanka iyo barataboolka madaxweynaha waxaa saaran masuuliyad baaxaddeedu wayntahay.

Madaxweynuhu waa in uu helo xasilooni intii uu heli karo arrintaasna waxaa xil ka saaranyahay baratakoolka iyo kooxda gacanta ku haysa amaanka madaxweynaha. Kooxda baratakoolku gacanta kuma hayn karaan xaaladda madaxweynaha haddii ay dadbadan soo kala dhex galaan ayaka iyo madaxweynaha sidoo kale kooxda amaanka waxay ku keenaysaa in ay bilaabaan ilduuf iyo in ay shaafalatayn waayaan socsocdka iyo dhaqdhaqaaqa barta madaxweynuhu ku suganyahay oo laga yaabo in badkeedu waynyahay.

Dhextaal: Subscribe dheh youtube kayga siina wado aqriska

https://www.youtube.com/channel/UC38mAZBASp4ksd7Pafu_OAw?view_as=subscriber

Waxaan maalin maalmaha ka mid ah ka agdhawaaday meel uu imaanayey madaxweynaha dalku. Kor markaan uga jeedo waxaad isleedahay qof khalad galay ayaa laamaha amaanku ridridayaan oo hantaatiqinayaa oo xabsi loo wadaa waayo siday u ridridayeen madaxweynaha oo ay u hantaaturaynayeen, dadka dhan kabaha ayay iskaga istaagayeen. waxaan is lahaa maalinkaas ka hor madaxweynaha waxaa loo waardiyeeyaa si cilmiyaysan xaalkuse waa ka duwnaa sidii ii sawirneed oo madaxweynaha waxaa lala daba yaacayey silis, bunbooyin iyo qoryo aan is iri amaanku waa u furnaa xabaduhuna qudada ayay u yaaleen. Dadka qoryaha gacanta ku hayaa miyir malahan oo meesha waxaa yaacaya dad tiradii ka batay oo aan garanayn wax ay ahaayeen, qoryaha ay hayaan ma kontorooli karin ayaan is iri oo xanibku si uu u xirnaa ma hubo haddii qalab qalab yar dhacdana xitaa madaxweynuhu wuxuu ugu jiraa qoryohooda halis waayo haddii qof wada qori xabadi ku taagantahay haddii kacta looga istaago oo uu kufo boobaha uu sidaa in uusan beer reebayn shaki malahan. Dhammaan madaxda Soomaaliya saas ayaa loo waardiyeeyaa

Dalku malahan macaahid lugu barto hab maamuuska iy baratakoolka, madaxweynihii talada yimaadaa wuxuu keensadaa koox uu ku kalsoonyahay kuwaasoo ku milma hay’adaha amaanka madaxtooyada iyo hab maamuuska illaa ay saaqaan. Waaxda hab maamuuska ee wasaaradda arrimaha dibaddu ma tayo badna ama ma noola waana halka ama albaabka laga soo galo wasaaradda arrimaha dibadda iyo guud ahaan wasaaradaha dalka.

Aad ayuu u dabacsanyahay hab maamuuska iyo amaanka madaxda dalka guud ahaan waxayna madaxdu qatar ugu jirtaa dadka waardiyaynaya naftooda oo aan qaab xirfadi ku jirto u haysan hubka ay ku waardiyaynayaan madaxda, madaxda laftoodu marmarka qaar ayakaa abuura caqabad keenta isku dhexyaac iyo ilduuf badan.

Gaban-gabo

Madaxdu waa in ay abuuraan maamul hab maamuus aqoon u leh hawlaha hab maamuuska iyo baratakoolka. Xumbnaha maamulkaas waxaa laga keeni karaa safaaradaha ama waxaa la carbin karaa dhallinyaro hor leh.

Marka madaxdu socdaalayso oo ay shaqo aadayso ama ay safar u baxayso waa in aad loo baabulaado oo aad laysugu duwnaado dadka baxaya ee madaxweynaha la yaacayana la yareeyo waayo dhib ayay ku keeni kartaa xitaa dadkaas yaacaya naftooda oo haddii la yiraahdo dadka madaxweynaha la socda magacyadooda iyo xilalka ay hayaan oo warqad ku qoran soo hor mariya waa culays intiisa la eg.

Waa in madaxda maamul goboleedyadu iska daayaan haf hafta iyo habqan u socodka kabaha laysaga istaagayo markii madaxweynuhu dhaqaaq yar sameeyo.

Ciidamada sita hubka muuqda sida bunbooyinka bannaanka saalootada ama qolka madaxweynuhu ku jiro ha joogeen ciidamada hubku u qarsoonyahayna madaxweynaha haku caawiyeen saalootada iyo qoka uu ku jiro xiliyada shirarka rasmiga ah.

Qaraabada iyo xubanaha ururada madaxweynuhu xiriirka la leeyahay waa in laga jafo madaxtooyada la wadaleeyahay si loo sugo haybadda dawladnimada iyo maamulka suuban.

W/Q: Cabdifataax Cali Cabdalla “Imaam”
Waxaad kala socon kartaa:
https://www.facebook.com/HonImaam
https://twitter.com/Fitah252
https://calicabdalla.blogspot.com/

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid