Suldaanka Somaliland oo ka jawaabay hanjabaaddii uu Muuse Biixi ugula kulmay ku baaqa midnimada Somalia

Hargeysa (Caasimada Online) – Suldaanka guud ee beelaha Somaliland, Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa maanta si kulul uga jawaabay hanjabaadii uu dhowaan u direy Madaxweyne Muuse Biixi, kadib markii uu sheegay Suldaanku in midnimada umadda Soomaaliyeed ay tahay muqadas.

Suldaan Maxamed ayaa kamid ahaa Salaadiin ka hadlay wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kuwaasi oo dalbanayey inay qeyb ka noqdaan wada-hadaladaa si looga gaaro natiijo wax ku ool ah.

Suldaanka ayaa hore u sheegay inay muhiim tahay dib u furida wada-hadaladaasi, isagoona carabka ku adkeeyay midnimada iyo wada-jirka umadda Soomaaliyeed.

Suldaanka ayaa hanjabaada Muuse Biixi ku tilmaamay mid aan meesha oolin, isagoona sheegay haddii uu ka fiirsan waayo arrinkaasi inay reer Somaliland ka tashan doonaan oo shir-weyne iskugu iman doonaan.

Sidoo kale waxa uu Suldaanku shaki galiyay heerka aqooneed ee uu Madaxweyne Muuse Biixi u leeyahay arrimaha siyaasada, isagoona si dad-ban u sheegay inuusan u aqoonsaneyn Siyaasi hogaamin kara.

“Madaxweynaha waxaanu leenahay, Arrinku meel aanu taagnayn inaad gaadhsiisaan waa Fool-xumo. Madaxweynaha isku gefi mayno. Dadka Koonfureedna waxba hadal u dhigan mayno” ayuu yiri Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Wuxuuna intaas kusii daray Suldaanku “Meel aanu Arrinku nala gaadhin haddaad gaadhsiiso, Qaranka Somaliland baa ka wada-hadli. Ninka siyaasiga ah anigu waxaan u aqaan Ninka Jaamacad ka sita Shahaado, Siyaasada Jaaamacad baa looga soo baxaa oo Kuliyad dhan baa looga soo baxaa siyaasada”.

Hadalka kulul ee Suldaanku uu maanta uga jawaabay Hanjabaadii Madaxweyne Muuse Biixi ayaa kor usii qaadaysa xiisada kala dhaxeysa, xili ay ku kala aragti duwan-yihiin qaabka loo wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Lamana oga in Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ay talaabo ka dhan ah ka qaadi doonto Suldaankan iyada oo hore ugu hanjabtay, maadama ay hore u dhacday in Salaadiin iyo Siyaasiin kale oo aaminsan fikirka midnimada umadda Soomaaliyeed xabsiyada Somaliland lagu guray.