Taabid Cabdi oo farriin culus u diray R/Wasaare ROOBLE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir, Mudane Taabid Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay go’aankii shalay ee baarlamaanka isaga oo bogaadiyey tallaabada uu sidoo kale qaaday madaxweynaha uu waqtigiisu dhammaaday.

Taabid ayaa marka hore u mahadceliyey cid weliba oo u istaagtay ka hortagga dagaallo markale ka dhaca magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay muhiim tahay in cashar laga barto qalalaasihii dhowaan ka dhacay caasimada, si aan markale dalka dib loogu celin dagaallo sokeeye.

“Waxaan u mahadcelinayaa qof kasta oo kaalin nabaddeed ka geystay xasilloonida dalka.Waa inaan fursaddan la lumin, wixii dhacayna inooga filnaato inaan nahay ummad aanan sina isu hureynin marxalad kasta,” ayuu yiri siyaaga caanka ah ee Taabid Cabdi.

Waxaa kale oo uu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha, isaga oo ka dalbaday inuu qaato doorkiisa hogggaanineed ee ku aadan doorashooyinka.

Ugu dambeyn Taabid ku baaqay in Rooble lagu garab istaago howsha loo igmaday, iyada oo aan shuruud lagu xireyn wada-hadallada soo socda ee looga arrinsanayo doorashada.

“Waxaan ku baaqayaa in RW Rooble garab lagu siiyo hawsha culus ee hortaal, iyada oo aanan wax shuruud hor leh lagu xirin.RW Rooble, isagana waa inuu qaataa door hoggaamineed oo ka nasahan eex iyo eed intaba,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa inay dib ugu laabtaan wada-hadalladii socday ee doorashada, si xal looga gaaro khilaafka ka jira dalka.