Xildhibaano soo bandhigay ‘arrimo muujinaya inaan amniga lagu wareejin’ Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxman Odawaa iyo Mahad Salaad oo kamid ahaa xildhibaanadii maanta ka qeyb galay kulankii uu khudbadda ugu jeedinayey madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaki badan ka muujiyey qaar ka mid ah qodobadii uu sheegay Farmaajo, gaar ahaan arrinta amniga doorashada.

Labada xildhibaan ayaa sheegay inay jiraan qodobo muujinaya in amniga dalka uusan weli gacanta ugu jirin Rooble.

Xildhibaan Odawaa ayaa sheegay in Madaxweyaha waqatigiisu dhamaaday laga doonayo inuu wareejiyo guud ahaan amniga dalka, balse aan laga rabin inuu kaliya wareejiyo amniga doorashooyinka.

“Madaxweynaha waqtigiisa dhaamaaday waa inuu ogaado inuu kala qeybiyey ciidamada Qaranka, isla markaana uusan sii ahaan karin taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxuuna sheegay inuu amniga doorashada wareejiyey, waxaa laga rabaa inuu wareejiyo amniga guud ee dalka, sababtoo ah ciidamadii uu kala qeybiyey ma aqbali karaan inuu taliye guud u sii ahaado,” ayuu yiri Xildhibaan Odawaa oo saxaafadda la hadlay markii uu soo dhamaaday kulankii golaha shacabka ee maanta.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa ayaa sheegay inay qasab tahay inuu madaxweynaha qoro warqad uu ku cadeynayo inuu wareejiyey amniga dalka iyo kan doorashada, si dib loogu laabto Teendhada Afisyooni.

Cabdiraxmaan Odawaa ayaa ugu dambeyntii ciidamada diiday muddo kororsiga ugu baaqay in aysan ku sirmin hadalladii jilicsanaa ee Farmaajo uu ku sheegay khudbadiisii Golaha Shacabka, isagoo xusay in hadal jileycaas loo baahan yahay marka miiska wada-hadalka la joogo.

Dhanka kale Xildhibaan Mahad Salaad oo kamid ah Xildhibaanada ku jiro jiidda hore ee difaaca ciidamada ka soo horjeestay muddo kororsiga Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa shaki geliyey in madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday uu amniga ku wareejiyey Ra’isulwasaare Rooble.

Mahad Salaad ayaa ka digay inaan lagu khatalmin hadalka kasoo yeeray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday inta ay ka amar qaadanayaan Taliyaha Ciidamada Xoogga Odawaa, Taliyaha Booliska Xijaar iyo Taliyaha Hey’adda Nabad-sugidda Qaranka Fahad Yaasiin.

“Farmaajo Amniga dalka kuma wareejin Ra’iisul Wasaare Rooble. Sidaas daraadeed Farmaajo oo wali ay ka amar qaadanayaan Odowaa, Xijaar iyo Fahad doorasho dalkaan kama dhici karto ee yaan lagu khatalmin,” ayuu yiri Mahad Saalad.

Hadalka kasoo yeeray labadaan Xildhibaan ayaa ku soo aadaya, xilli maanta madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu shaaciyey inuu maamulka iyo amniga doorashada ku wareejiyey Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isla markaana uu diyaar u yahay in dib loogu noqdo heshiiska 17-kii September oo aan wax shuruud ah lagu xirin.