FIQI: Wiilasha afar degmo ayaa soo celiyey awooddii xafiiska ra’iisul wasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ayaa ka fal-celiyey go’aanka uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo maanta isaga wareejiyey maamulka doorashada dalka iyo amnigeeda, kadib kulan uu ka jeediyey golaha shacabka.

Fiqi oo qoraal soo dhigay facebook ayaa sheegay in ciidamadii dagaalka ka galay afarta degmo oo kala ah Kaaraan, Yaaqshid, Hodan iyo Hawlwadaag ay sabab u ahaayeen in lagu noqdo heshiikii 17-ka September, sida uu hadalka u dhigay.

Hoos ka aqriso qoraalka Fiqi.

Oday Farmaajo bil ka hor markii teendhada Afisyoone la fadhiyey qodobadii uu diiday ayuu maantay ogolaaday ka dib markii uu tijaabiyey in aan dalkaan Xoog iyo qori caaradii lagu qabsan karin. 

Shirkii Dhuusamareeb 4 wixii uu ku diidayna 2 todobaad ka dib ayuu Baydhabo ku ogolaaday, wuxuu iska jecel yahay wax aan soconayn in uu isaga dhego ka dibna si fudud uga fuqo, kuna darsado liiska tanaasulka.

Wiilasha Xaafadaha Kaaraan, Yaaqshid, Hodan iyo Hawlwadaag ayaan aaminsanayay in ay mar hore u codeeyeen in heshiiskii 17 September loo noqdo, wixii maantay aan golaha shacabka ku aragnayna waxay ahaayeen odoga maryaha halagu celiyo. 

Khudbada Farmaajo waxa kaliya ee laga qaadan karo waa inuu Raysulwasaare Rooble ku wareejiyey mas’uuliyadda doorashada iyo amniga dalka. 

Waxaan rajaynayaa in Md. Rooble uu waajibkiisa si dhexdhexaad iyo daahfurnaan u guto, dalkana uu u horseedo in ay ka dhacdo doorasho la isla wada oggol yahay. Farmaajo oo Musharax ah iyo musharixiinta kalena uu u dhexeeyo isku sina ula macaamilo.

Awoodda Xafiiska Rooble waxaa soo celiyey Afarta degmo iyo midowga musharixiinta intoodii dabka gashay!.

Oday Farmaajo nasiino wacan ayaan u rajaynayaa.