Daawo: Rooble oo war kasoo saaray mas’uuliyadda uu FARMAAJO ku wareejiyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ugu horeyn madaxweyne Farmaajo uga mahadceliyay sida uu ugu wareejiyay mas’uuliyadda arrimaha doorashooyinka dalka.

“Waxaan u mahad celinyaa madaxweyne Farmaajo oo maanta muujiyey tanaasul, waxaana uga mahad naqayaa in aniga iyo xukuumadeyda uu nagu soo wareejiyey howlaha doorashooyinka, anigoo rajeynaya inay ku guuleysto gudashada mas’uuliyadaas muhiimka u ah masiirka dalka una maareyno sida ugu wanaagsan,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale xildhibaanada Golaha Shacabka uga mahadceliyay in sida ay u tixgeliyeen codsigii madaxweynaha ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

“Xukuumaddu waxay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo bandhigi doontaa qorshaha doorashooyinka, amniga doorashooyinka iyo fulinta qorshaha guud ee amniga Qaranka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Rooble.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan ku casuumi doono madaxda dowlad goboleedyada in ay ka soo qeyb galaan shirka Madasha Qaran ee dhammeystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Ciidammada Qaranku in ay ku laabtaan xeryohoodii oo aysan ku milmin siyaasadda, isagoo ugu baaqay siyaasiyiintuna in ay ka fogaadaan hadal ama ficil kasta oo aan caawineyn xasilloonida dalka iyo wadajirka shacabka.

Hoos ka Daawo Muuqaalka R/W Rooble