Sheekh Shariif oo hal arrin dalbaday kadib go’aankii ay golaha shacabka gaareen

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo ah guddoomiyaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo dhoweeyey go’aanka ay golaha shacabka uga laabteen muddo kororsiga, uguna noqdeen heshiiska 17-ka September.

“Waxaan soo dhaweynayaa go’aanka golaha shacabka ay maanta gaareen oo dalka dib ugu celiyey heshiiskii doorasho ee 17 September. Waa tallaabo dhanka wanaagsan loo qaadey, oo mudan in lagu bogaadiyo cid kasta oo qayb ka ahayd,” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal soo dhigay facebook iyo twitter.

“Waxaan in muddo ah aan u taagnayn sidii heshiiskaas loogu laaban lahaa oo uu yahay xalka kaliya ee doorasho ee aan haysanno.”

Shariif ayaa sidoo kale dalbaday in fulinta heshiiska laga qeyb-galiyo dhammaan saamileyda siyaasadda, si la mid ah xukuumadda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka, inkasta oo ay u eg tahay in taasi uu aqbli doonin madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan markale ku celinaynaa in heshiiskaas iyo fulintiisaba ay tahay in ay iska fahmaan Xukuumadda xilgaarsiinta, madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Saamileyda Siyaasadda ee Dalka,” ayuu yiri madaxweyne Shariif.

“Ugu dambeyntii waxaan umahad celinayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Xil-gaarsiinta, madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe, Saamileyda Siyaasadda iyo beesha caalamka oo go’aan mideysan ka qaatay muddo kororsigii sharci darrada ahaa.” 

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyey codsigii uu hor keenay madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in dib loogu noqdo heshiiska doorashada ee 17 September.

Guddoomiyaha Baalamaanka Soomaaliya ayaa ka codsaday Xildhibaanada in cod gacan tag ah loo qaado codsiga Madaxweynaha. Waxaa codsiga madaxweynaha aqbalay guud ahaan Xildhibaanadii kulanka kasoo qeyb galay oo ahaa 140 xldhibaan, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Mursal.