QM iyo Turkiga oo qoraallo kasoo saaray go’aankii lagu laalay muddo kororsiga

Muqdisho (Caasimada Online)-Qoraallo ka soo kala baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen mudo kororsigii labada sano ahaa, isla markaana ay ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Ugu horeyn Qaramada Midoobay ayaa soo dhaweyn kadib madaxda Soomaalida ugu baaqday inay deg deg uga wada xaajoodaa arrimaha doorashada, isla markaana la soo dhaweeyo doorka ra’iisul wasaare Rooble

“Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay soo dhoweyneysaa go’aanka baarlamaanka Federaalka ee dib loogu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebteembar, kadib codsiga madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Qaramada Midoobay waxa ay ugu baaqeysaa madaxda Soomaalida in ay dib ugu laabtaan wadahadalka oo ay u diyaar-garoobaan doorashooyinka dib u dhac la’aan, iyadoo la soo dhoweynayo doorka hoggaamineed ee Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo matalaya Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalkan ka soo baxay QM.

Sidoo kale war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aanka ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta (1-da Maajo) qaatay, kaas oo ayidsan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono dib u bilaabida wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada, dib u dhac la’aan iyo in la xaqiijiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada, iyadoo laga gudbayo khilaafaadka.”

Ugu dambeyntii dowladda Turkiga ayaa qoraalkan ku shaacisay in marxaladan adag ay ku garab taagantahay ‘dadka saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ee Soomaaliyeed.’