25 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Taabit oo si rasmi ah u magacaabay Guddi & Qabanqaabada oo bilaabatay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan ku heleyno wararka naga soo gaaraya Xarunta dowlada Hoose, Guddoomiyaha xilkiisa waayay ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi, ayaa magacaabay Guddiga Xilwarerjinta.

Taabit ayaa Guddiga u magacaabay xubno dhowr ah oo la sheegay inay ka kooban yihiin 13 xubnood oo isugu jira Rag iyo Dumar.

Guddigan ayaa diyaarinaaya Munaasabadda xil wareejinta, waxaana lasoo sheegayaa inay ku jiraan xubo ka socda dhanka Villa Somalia.

Guddigan ayaa Munaasabada ku diyaarin doona dhammaan Dukumiintiyada uu maamulka leeyahay, iyadoo ay halkaa ku kala wareejisan doonaan maamulka cusub iyo kuwii hore ee maalmo un ka hor xilka laga qaaday.

Dukumiintiyada ugu badan ee uu maamulka leeyahay ayaa waxaa wareejin doona Guddoomiyaha xilkaa laga qaaday Taabit, halka ku xigeenadiisa sida; Arrimaha Amniga iyo  siyaasadda , Arrimaha Bulshada, Maamulka iyo Maaliyadda iyo Xoghayaha Guud ee Gobolka Benaadir ay dhankooda ka wareejin doonaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) iyo ku xigeenadiisa ayaa xilka la wareegi doona, kuwaasi oo Axadii ina dhaaftay uu magacaabay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed (Farmaajo).

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ku baaqay in maamulka cusub uu tixgalin gaara siiyo howlwadeenada iminka ka shaqeeya Xarunta maamulka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News