Taariikhda Cumar Al-Bashiir, dambiyadii uu gaystay iyo waxyaabaha yaabka leh ee aan laga ogeyn

Khartoum (Caasimadda Online) – Madaxweynihii dalka Sudan Omar al-Bashir waayihiisa siyaasada waa mid ku xeen daaban dagaal wuxuu awoodaa dalka kula wareegay Afgambi Militari sanadii 1989 wuxuuna maamuliyay ilaa 2019 dalka Afrika ugu weyn kana buuxaan shidaal dabiici ah.

Omar al-Bashir marka uu awooda la wareegay wuxuu b artanka kaga jiray 21-sano dagaal sokeeyo oo uu kula jiray jabhado Waqooyiga iyo Koonfurta Sudan ka dhisan. Inkastoo xukumadiisa heshiis nabadeed qaadatay 2005 oo ay dhanka Koonfurta la gashay haddana dagaal kale ayay xukuumadiisa bilaawday dhanka gobolka Darfur ee Galbeedka Sudan dhaco waana halka lagu eedeeyay in Al Bashir uu ka geestay dambiyo ka dhan ah Aadana,  xasuuqna Maxmakada dambiyada dagaalka ICC kusoo eedeesay.

Warqad kasoo baxday maxkamada ICC sanadii 2009 waxay sababtay inuusan daafaha caalamka Al Bashir u safri karin sidaas oo ay tahay socdaal siyaasad wuxuu ku tagay dalalka Egypt, Saudi Arabia iyo  South Africa inkastoo Koonfur Afrika uu deg deg kaga baxay kadib markii maxkamada ICC amartay in lasoo xiro.

Al – Bashir inta uusan hogaanka Sudan la wareegin wuxuu ahaa abaan duuliyahii ciidanka Dalkaas wuxuuna masuul ka ahaa dagaalkii lagu qaaday dhanka Koonfurta Sudan loogana soo horjeeday hogaamiyihii geeriyooday ee Koonfurta Sudan laga taabacsanaa John Garang.

Balse markii dambe Al Bashir iyo John Garang waxay wada gaareen heshiis kaasi oo gogol xaar u noqday in Koonfurta Sudan dal madax banaan noqoto sanado kadib.

Maxaa Ka Mid Ah Eedeymaha Ka Dhan Ah Al Bashir:

Xasuuq Isir Naceyb Ku Saleesan: wuxuu dilay shaqiyaadka ugu saameynta badnaa qowmiyadaha Fur, Masalit and Zaghawa sidoo kalena jir ahaan iyo maskax ahaan ayuu u bur buriyay qowmiyadahaas dadkooda wuxuuna yoolkiisa ahaa inuu ciribtiro qowmiyadahaas Sudan ku yaraa.

Dagaal Ka Dhan Ah Aadanaha: Dil, Kala sooc, Awood in dadka lagu musaafuriyo, Kufsi iyo Jirdil.

Dambiyo Dagaal: Weerar lagu qaaday shacabka reer Darfur, Bili liqo iyo bur bur hanta oo laga geestay tuulooyiinka iyo magaalada gobolka Darfur.

Muxuu Ahaa Yoolkiisa Ugu Weyn Siyaasada Uu Ka Lahaa Al Bashir:

Wuxuu rabay waligiis inuu gacanta ku haayo oo uu maamulo Sudan mideesan laakiin afti in laga qaado Koonfurta Sudan dadka ku nool si ay madax banaani u helaan wuxuu ku aqbalay heshiis uu la galay jabhadihii Koonfurta ka jiray si xal loo helo madaama xoog shaqeyn waayay.

Bishii Janaayo 2011 codeyn ay dhiibteen dadka Koonfur Sudan ku nool waxay isku raaceen 99% inay Sudan ka go’aan waxaana lagu dhawaaqay lix bilood kadib Koonfurta Sudan oo madax banaan.

Balse wuxuu cadaadiyay dadka reer Darfur ee Galbeedka Sudan ku nool qori caraadiisa ayaa lagu xasuuqay kuwii isku dayeen inay xukuumada Al Bashir ka hor tagaan dagaal bilaawday 2003 dadka badankooda waa la qaxiyay si colaad ku dheehan oo aysan gobolkaas u sheeganin caruur iyo dumar intooda badan dalalka dariska ay ayay magan galyo weydiisteen.

Inkastoo gobolka Darfur la geeyay ciidamo Qaramada Midoobe ka socdaan haddana marnaba gobolkaas iyo dadkiisa colaada kama soo kabanin.

Halkuu Kasoo Jeedaa Al Bashir Deegaan Ahaan:

Bashir wuxuu dhashay sanadii 1944 wuxuuna kasoo jeedaa qoys beeraleey oo Waqooyiga Sudan dagaan waxayna degaan ahaan ku hoos jireen boqortooyadii Masar. Wuxuu qayb ka yahay qoys ahaan Al-Bedairyya Al-Dahmashyya oo qabiilka Bedouin ka tirsan.

Al Bashir wuxuu ku biiray ciidamada Masar asigoo dhalinyar sidoo kalena darajo sare ayuu ciidanka ka gaaray wuxuuna ka qayb galay dagaalkii Masar iyo Israel dhex maray 1973.

Wax badan lagama yaqaan Al Bashir noloshiisa gaarka ah wax caruur ah ma lahan sidoo kalena markii da’diisa 50-maadka soo gaartay ayuu xaas labaad yeeshay wuxuuna guursaday Haweenay carmal ah oo uu ka geeriyooday dagaal yahankii geesiga ahaa ee dhanka Waqooyi ka dagaalami jiray Ibrahim Shams Al-Din wuxuuna u guursaday si uu tusaale ugu noqdo kuwo kale ama dadka kale ee awooda leh inay dhiiri galiyaan geesiyaasha dagaalka.

Al Bashir Siyaadiisa Waxay Ahayd Awood In Wax Lagu Maquuniyo: Madaama uu dagaal yahan ahaa sidoo kalena xukunka dagaal ku qabsaday wax walbo wuxuu u arkay in dagaal lagu soo idleyn karo caqabad walbo oo ka hor imaado.

90-maadkii Al Bashir waxaa ka saameyn badnaaday gudaha Sudan hogaamiyihii Hassan Al-Turabi ee Muslim Sunni ah oo rabay in Sudan diinta Islaamka lagu dhaqo xukun ahaan marka laga reebo dhanka Koonfurta wuxuuna geeriyooday sanadii 2016.

Kadib markii sanadii 2000 Hassan Al-Turabi iyo Al Bashir isku dhaceen wuxuu BBC-da u sheegay Hassan Al-Turabi in Al Bashir uu yahay shaqsi Militari ah kaasi oo awooda mudo heystay una arko wax walbo in awood military lagu xalin karo.

Sidoo kale Osman Ali Taha isagana waa siyaasi Al Bashir awood ahaan dhanka siyaasada hareeyay wuxuuna dhex dhexaadiye ka ahaa u kala dab qaadistii iyo heshiisiintii Sudan iyo Koonfurta Sudan. Laakiin dadaaladii uu sameeyay waxaa dhibsaday madaxweyne Al Bashir oo kaga diday inuu joojiyo galaan galkiisa siyaasad ee xadka dhaafay sidoo kalena Sudan Al Bashir kaliya siyaasada furo u noqon karo.

Lacagta Shidaalka Laga Helo Ma Ahayn Mid Sal Dhigatay: Al Bashir mar wuxuu ku guuleestay in dalkiisa isku filnaansho gaarsiiyo kadib markii shidaalka si fiican kaga faa’iideesteen waxay hormariyeen isgaarsiinta sidoo kalena dhaqaalaha wuu sal dhigtay lacag doolar adagna wey heleen Sudan.

Laakiin lacagta Al Bashir ayaa maamuli jiray dagaalo badana wuu ku galay sidoo kalena dhaqaalaha Sudan wuxuu wiiqmay markii Koonfurta Sudan madax banaani heshay madaama shidaalka dhulkan u badan yahay.

Waxayna arintan sababtay in Al Bashir dhibsaday Koonfurta Sudan hormarka ay sameeneyso waxaana lagu eedeeyay inuu fara galin ku haayay xukuumada Koonfurta ka jirtay oo mar qarka u fuushay inay bur burto.

Al Bashir waa madaxweynihi ugu waqtiga dheeraa Sudan sidoo kalena ku guul dareestay yoolkiisii ahaa Sudan mideysan inuu sameeyo madaama colaado badan uu dhexda ka galay waxayna xukunka Militariga ka xayuubiyeen asigoo weli yoolkiisa qabyo yahay lamina ogo waxa xiga ee Sudan ka dhici doono.

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
caasimada@live.com