Taliban oo go’aamisay dalka maamulaya garoonka Kabul kadib loolan dhex-maray Qatar, Turkey iyo Imaaraadka

Kabul (Caasimada Online) – Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afghanistan iyo Imaaraadka Carabta ayaa saxiixan doono heshiis ku saabsan xakameynta amniga iyo maamulka garoomada diyaaradaha dalkaas.

Warkan ayaa waxaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay ku-simaha ra’iisul wasaare ku xigeenka Afgaanistaan Abdul Ghani Baradar.

Go’aanka ay Taalibaan ku gaartay inay heshiiskan u saxiixdo Imaaraadka ayaa yimid kadib muddo bilooyin ah oo uu loolan ku saabsan cidda qaadaneyso qandaraaska maamulka garoomada dhex maray dowladaha Imaaraadka, Turkiga iyo Qatar.

“Tallaabadaan waxay albaabka u furi doontaa maal-gashiga caalamiga ah ee Afghanistan, maadaama hadda la helay damaanad qaad amni,“ ayuu yiri Baradar oo ka hadlayay saxiixa heshiiskaan.

Garoonka caalamiga ah ee Kabul ee dalka Afghanistan ayaa burburay bishii Augusto sanadkii hore markii Taliban ay la wareegeen gacan ku haynta caasimadda markii ay dowladda Mareykanka la baxday ciidamadii ka joogay dalkaas muddada 20-ka sano aheyd.

Markii ay ciidamada Mareykanka ka baxeen Afghanistan waxaa la filayey in Turkiga iyo Qatar ay si wadajir ah uga howlgalaan oo ay sugaan ammaanka garoonka caalamiga ah ee Kabul.

Dowladaha Qatar iyo Turkiga ayaa kaalin weyn ka qaatay dadaalkii daad-gureynta kadib bixitaankii Mareykanka, waxayna xilligaasi sheegeen inay diyaar u yihiin inay la wareegaan howlaha garoonka.

Sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Imaaraadka Carabta ayaa u sheegay wargeyska Middle East Eye bishii November in Imaaraadka oo horay u maamuli jiray garoonka diyaaradaha ee Kabul, xilligii jamhuuriyadda Afghanistan ee uu Maraykanku taageerayey ay ka go’an tahay sii wadidda howlaha garoonka iyo in la helo marin ammaan ah oo lasoo mariyo gargaarka bini’aadanimo.

Xiriirka Imaaraadka iyo Qatar ayaa sanado badan ahaa mid mugdi ku jiray, kadib markii labada dal ee Khaliijka ay ku loolameen inay saameyn ku yeeshaan gobolka.

Hadda, shirkadda maraakiibta iyo saadka Imaaraadka ee GAC Dubai – oo uu matalo Razack Aslam Mohammed Abdur Razack – ayaa mas’uul ka noqon doonta hawlgelinta iyo sugidda ammaanka garoomada diyaaradaha.

Bishii August ee la soo dhaafay, waxaa daaha laga qaaday heshiis qabyo ah oo dhexmaray Taliban iyo Turkiga. Heshiiska qabyada ah ayaa waxaa ka mid ahaa qodobo dhigaya in Ankara ay u aqoonsato Taliban inay tahay dowladda sharciga ah ee Afghanistan iyo inay sugto ammaanka garoonka diyaaradaha ee Kabul iyada oo loo marayo shirkad gaar ah.

Laakiin Turkiga iyo Taliban ayaa ku dhibtooday inay gaaraan heshiis kama dambeys ah oo ku saabsan sugidda iyo ka shaqeynta garoonka diyaaradaha ee Kabul, taasi oo ugu dambeyn soo dadajisay inay Imaaradka loolana uga adkaato Turkiga iyo Qatar oo si wadajir ah heshiiskaas u daneynayey.