Taliska booliska oo faah-faahiyey aabe labadiisa wiil si argagax leh u dilay

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Taliska booliska ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin Aabe labadiisa wiil gowrac ku dilay. Falkaan ayaa noqday mid aad looga argagaxay.

Labada wiil ee Aabahood dilay ayaa ka yaraa da’aada 12 sano jir, waxaana jiray khilaaf ka dhaxeeyey labadooda waalid.

Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire, oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa ka sheekeeyey sida ay wax u dhaceen wuxuuna sheegay inay soo qabteen ninkii dilay caruurtiisa.

“Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Maxamed Faarax, oo 43 jir ah, ayaa dilay labo ciyaal ah oo uu dhalay oo midna uu yahay 10 jir midka kalena yahay 11 jir, laguna kala magacaabo Idiris iyo Sakariye,” ayuu yiri taliye Muumin Cabdi Shire.

Ninka dilka carruurtiisa ku eedeysan ayaa falkaan ku gaystay guri uu magaalada Gaalkacyo ka daggan yahay, sida ay saraakiishu xaqiijiyeen. Carruurta oo markii hore ay hooyadood haysatay ayuu ka codsaday inuu geeyo xarun waxbarasho oo kuleej ah, sidaasna loogu oggolaaday inay raacaan.

Hase yeeshee waxaa la rumaysan yahay in isla maalintii uu kaxeeyay gudaheedaba uu labada wiil ku dilay gudaha gurigiisa, isagoo gowracay.

“Caafimaad darro noogama muuqanin laakiin waxaa jiray maan-dooriyeyaal xad dhaaf ah oo ay ciidanka soo qabteen, oo xashiish iyo khamri ah, waxaana aaminsan nahay in daroogada ay sababi karto,” Taliyaha booliska qaybta ee gobolka Mudug, Muumin Cabdi Shire.

Dhowr jeer oo hore ayuu sheegay inuu xabsiyo soo maray, laguna yaqaanay inuu maan-dooriyeyaasha isticmaalo, dambiyo kalena uu horay u galay.

“Boolisku markii ay guriga tageen waxay la kulmeen isagii oo qolka carruurta ku dilay qolkii kalena hurda. Waxaa loo tagay isagoo jiifa oo si caadi ah u hurdaya,” ayuu yiri Muumin.

Dhacdadaan ayaa noqotay mid dadka reer Gaalkacyo ay maanta aad uga argagaxeen, waxaana hadda socda baaritaanno lagu hayo ninkii dilay wiilashiisa.