CC Shakuur ma lumiyey kursigii xildhibaannimo?

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa u muuqda inuu maanta lumiyey kursiga xildhibaanimo, marka la eego qodob ka mid ah dastuurka federaalka.

Arrintaan ayaa timid kadib markii uu Cabdiraxmaan Maanta aqbalay xilka uu u magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ah ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Sababta uu Cabdiraxmaaan Cabdishakuur ku weyn karo kursiga xildhibaan ayaa ah dastuurka kumeel gaarka ah ee uu leeyahay dalka, gaar ahaan qodobka 59-aad oo dhigaya in xubinimada baarlamaanka lagu lumin karo haddii uu xildihaanka aqbalo xil dowladeed oo aan wasiir aheyn.

Lama xaqiijin karo haddii madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdiraxmaan ay ka hoos baxday qodobkaan iyo haddii ay jirto sharaxaad kale oo loo sameeyey qodobkaas ka hor inta aan la magacaabin Cabdiraxmaan.

Halkaan hoose ka akhriso waxa uu dastuurka ka qabo arrintaan:

Qodobka 59aad. Sababaha Lagu Lumiyo Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka

(1) Xubinnimada Baarlamaanka Federaalka waxaa lagu lumin karaa:
(a) Xubinta oo Geeriyoota
(b) Xubinta oo ay la soo gudbonaato xaalad xilgudasho la’aaneed oo joogto ah.
(c) Xubinta oo istiqaalad u gudbisa aqalka ay xubinta ka tahay, lagana oggolaado.
(d) Ka-maqnaansho labo kalfadhi oo caadi ah, iskuna xiga ayada oo aanay jirin sabab maangal ah.
(e) Haddii ay xubintu aqbasho xil Dawladeed aan wasiir ka ahayn
(f) Haddii la hakiyo xuquuqdiisa muwaaddinnimo, sida ku cad sharciga