Jawaari iyo guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare oo Xasan Sheekh u baneeyey magacaabista CC Shakuur

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u magacaabay ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya.

Magacaabista Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa ka dhashay hadal heyn badan oo ku saabsan in magacaabistaan ay keeni karto inuu Cabdiraxmaan lumiyo kursiga xildhibaanimo, maadaama dastuurka KMG ee Soomaaliya uusan xildhibaanka u ogoleyn xil aan wasiir aheyn.

Sida ay sharci yaqaano la hadlay Caasimada Online sheegeen, shaqooyinka uu dastuurka u diidaya xildhibaanka waa kuwa ka dhigaya shaqaale rasmi ah oo diiwaanka iyo faafinta rasmiga ah kusoo baxaya, sida Danjire, Guddoomiye Hey’ad, taliye hey’ad amni iyo maareeye mashruuc rasmi ah oo laftiisa wareegto lagu aas-aasay.

Sharci-yaqaanada ayaa sidoo kale ku doodaya in xildhibaanka uu noqon karo xubin kamid ah guddi gaar ah oo markaas xaalad la tacaalaya ama inuu xiriirin karo gurmad iyo adeeg kale oo dadka loo fidinayo.

Dhanka kale, xog ay heshay shabakadda Caasimada Online ayaa sheegeysa in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu magacaabistaan kala tashaday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Ibraahiin Iidle Suleymaan.

Labada mas’uul ee uu la tashaday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxweynaha u baneeyey in Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame sharciyan xiriirin karo gurmadka abaaraha oo Madaxweyne Xasan Sheekh muhiimad gaar ah iyo hortebin weyn siinaya boqolka maalmood ee maamulkiisa ugu horeysa.