Taliyaha Asluubta: Ninkii il la’ iyo kii lug ka go’an lagama rabo ciidanka ee dhaqaajiya

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jen. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in Ciidanka Asluubta ay ka rabaan inay ka mid noqdaan dhalinyaro nadiif ah, isagoo tilmaamay in aanay u baahneyn kuwo naafada ah.

Hadal uu ka jeediyay Munaasabad uu kula hadlayay ciidamada ayaa sheegay in dhalinyarada ay ka rabaan kuwo ay da’dooda u dhaxeyso 18-jir illaa 25 jir.

“Dhalinyaro nadiif ayaa rabnaa oo 18 jir illaa 25 ah, nimanka da’da ah oo farsamada lagu soo qoray xoogaa farsamadooda ayay ku fakanayaan waa u dulqaadaneynaa, laakiin kuwo il la’ kuwa, lugo la’ iyo kuwa gacmaha la’ waa dhaqaajinayaan halkaan lagama rabo”ayuu yiri Mahad C/raxmaan.

Hadalka Taliyaha Ciidamada Asluubta Somaliya ayaa wuxuu niyad jab ku yahay ciidamada qaar ee naafada ah kuwaasi oo u soo dhaawacmay Qaranka.

C/raxmaan C/shakuur oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay tallaab ka qaado Taliyaha oo meel kaga dhacay dadka naafada ah.

“Haddii wasiir waxbarasho xilka looga qaaday in uu Jaamacadaha dalka dhaliilay, bal aan dhowro waxa ay madaxda dalku ka yeelaan ninka meel kaga dhacay dadka naafada ah. Inkastoo ognahay in isagoo dad soo xasuuqay la dalacsiiyey, haddana waxaan is leenahay yaan laga quusan damiirkooda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com